Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: SSRIs?
Gantaal:
Walaal Marka hore waan idin saamayaa dhamaan dhakhaatiirta iyo membarka iyo martidaba walaal waxaan rabaa in la ii sharaxo daawada diyad jabka ayaan qaatay oo dhakhtar ayaa iiqoray aniga oo kacaban haya biyo bax dag dag ah markaan qaatay waxaan iku arakay kacsi la, aan marka magaca ku qornaana waakan {rezak} marka dhibaatadaa intee in leg yay sii jiri kartaa waxaa laga jooga mudo laba bil ah talo iga siiya walaal jizz kumu allaahu khayr
SomaliDoc:
"Rezak" waa daawada fluoxetine hydrochloride oo capsules ah, waxaana loo isticmaalaa niyad jabka soo laalaabta oo wehliso welwel iyo cillada maskaxda ku taagan ee OCD.
Dawadaan waxay keentaa kacsi yari iyo hammi la'aan, haddii daawada la joojiyane waxay jirka ku sii jirtaa muddo dhan 5 isbuuc ah. marka in aad ka soo kabto cilladaan kacsi la'aanta waxaad filan kartaa 5 isbuuc ka dib.
Haddii cillada kacsi la'aanta ay sii jirto muddo ka badan labo bil oo awalna horay isugu arki jirin, waxaa habboon in aad la xiriirto takhtar si lagaaga daaweeyo.
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version