Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Caloosha dhinaca bidix aa ixanuuneyso?
(1/1)
Kaafiyo:
Asc walaal dhamaan tiin waa idin wada salaamaya waxaa waydiin lahaa dhaqaatiirta sharafta leh inay ii faah faahiyaan waxa keen caloosha dhinaca bidix aa ixanuuneyso markii aan dhinacaas u seexdo badanaaba waxaana iqabanaaya lablabo maxaa keeni kara waa wada mahadsantihiin
SomaliDoc:
Xanuunnada laga dareemo dhinaca bidix ee ubucda waxay ku badanyihiin haweenka iyo dhalinyarada.
Waxyaabaha badan ee keena xanuunka noocaan ah waxaa ka mid ah: caabuq ku dhaca xubinnada ku jira dhinaca bidix ee caloosha taasoo ugu horreyo, caloosha laftirkeeda, mindhicirrada, killida, kaadimareenka iyo beeryarada.
Maadaama xanuunada laga dareemo dhinaca bidix ee caloosha ay badanyihiin laga billaabo laabjeexa iyo gaas calooleedka, caabuq ganaca ku dhaco, boogoobidda xiidmaha, bararka xiidmaha iyo tiifowga.
Maadaama uu xanuunka kuu wehliyo lalabo waxay u badantahay in xanuunkaaga uu ka socdo dhinaca caloosha.
Marka si laguu wiisteeyo laguuna baaro fadlan la xiriir takhtarkaaga.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version