Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Ma jiraan nabaro ka soo baxa lugaha xiliyada qaboob ka?
(1/1)
Walaalka:
Asc wr wb salan kadib walalaha dhaqaatiirta sharafta leh waxan idin way diin lahaa ma waxa jira nabaro ka so baxa lugahaa gaar ahaan faraha oo sabab u ah xiliga qaboobka uu jira hadaadan isticmaalin socks ama buud plz i'm waiting u Answer as soon as posible and Jazakumulahi kheyr
SomaliDoc:
Xilliga qabowga haddii aanan la xifdisan cagaha waxay ku ridaan dhowr xanuunno oo ay ka mid yihiin in ay ku sameeyaan boogag loo yaqaanno "Chilblains" oo ah meelo ka mid ah faraha in ay nabor ka soo baxaan maadaama qabowga daran uu xididada iyo neerfaha cagta ay naafeeyaan ama hawlgabsiiyaan.
Haddii lugta iyadoo heerkaas marayso qabowga uu ku sii dhaco waxay billaabaysaa in uu oksajiinka ka xirmo oo kalarkeeda is badalo taasoo noqoto xaalad caafimaad oo loo yaqaanno "Trench foot".
Markaa kadib lugtii qeybtii qabowga saameeyay way go'daa khaas ahaan faraha ayaa u badan waxaana middaan loo yaqaannaa "Frostbite".
Navigation
[0] Message Index
Go to full version