Administration Panel > Announcements

Qeyb Cusub Ka Waran?

(1/4) > >>

Admin:
Waxaan jecelnahay bilawga sanadkan cusub inaan ku soo kordhino webka qeyb cusub oo loogu tala galay inay ka faaideystaan xubnaheena sharafta leh.

Qeybtaan waxaad ka heli kartaa barnaamijyo loogu tala galay inay kugu kaalmeeyaan waxbarashadaada ama shaqadaada, oo qeyb walba iskugu jira, ha ahaato arday, dhakhaatiir, sheybaariistayaal, farmashiyistayaal iyo kalkaaliyaalba.

Barnaamijyadaan oo aad idinka sidii aad jeceshihiin u soo dalban kartaan, wixii ra'yi aad ka qabtaane aad halkaan ku soo gudbin kartaan.

Barnaamijyadaan oo aan anaga programmin doonno, waxaa ka dajisa kari doontaa webkaan lacag la'aan, ee fadlan hadii uu jiro barnaamij maskaxda aad ku heyso, bulshadane wax u tari karo, caafimaadne ku lug leh noo soo gudbi.

Ra'yigiina aad ayuu muhiim u yahay.

FG: Martida na soo booqata xubano aanan ka aheen webka waxa ay fikradahooda ku soo gudbin karaa emailkan (admin@somalidoc.com).
Dr.Mahdi

Abdullahi!:
Sorry for my lengthy absence from the forum, i was very busy preparing for exams. I am happy to see the increase in the number of members and the development of the website, thanks to the admin team. Hopefully i can be more active nowadays and contribute more to SomaliDoc Forums.

It's a good idea, and I welcome it.
it would however be better if you informed us more about these programs.
what kind of programs are they?
what exactly do they do?
do we have any programmers on SD forums that can code these programs or do we provide links for existing programs?

If it is as I think then i would suggest that the diagnosis program on SD interests page be made available as a downloadable file. I would also like you to give us an example of any programs, and what should their main aim be?

Dr Abdullahi

Dr.Noora:
Salaam

waa fikrad fiican Admin waana ku mahadsantahay dadaalka aa wadid laakiin sida uu xusay Dr Abdullah yaareet hadaa noo sheegi laheed programs yaasha ama tusaale ka bixin laheed adoo mahadsan..

Salaam

Kassim:
Salaam, first to Dr Mahdi, and then to all Somalis
Waxaan  aad  ugu fraxsanahay  fikrada uu soo jeydiyey walaakeena .
As Sis Noora and Bro Abdullahi, give us an idea, clue, hint.  waxaan diyaar u ahay in aan ka qaato kaalin.
salaam

Admin:
Waa ku mahadsantihiin ra'yiga aad ka dhiibateen mawduucaan.
walaalkeen kassim-ne wuu ku mahadsanyahay rabitaanka uu rabo inuu nagala qeyb qaato.

kowda hore barnaamijyada weli sameentooda lama bilaabin, waxa kaliya oo hada loo baahanyahay waa in la ogaado ra'yiga aad ka qabtaan iyo wixii aad nagu soo biirin kartaan, ilaa hadane dhowr barnaamij ayaa miiska noo saaran aana is leenahay waxtar way u leeyihiin xubnaheena sharafta leh iyo bulshadeenaba, waxaan u kala qeybinay barnaamijyadaas qeybaha bahda caafimaadka ku jirta inta ay kala yihiin:

1- Ardeyda Caafimaadka Barata:


* Medical Student Mnemonics: waa barnaamij ay ardeyda ku keydsan karaan, si sahlane ugala soo bixi karaan, waxa loo yaqaano "Mnemonics" iyagoo awooda in ay u baartaan maado maado. (mnemonics waa erayo laga soo gaabiyay hadalo badan si ardayga ugu sahlanaato xifdintoda) qaar ka mid ah halkaan ka akhriso
* Student GPA Recorder: barnaamijkaan oo ardayda ku saacidayo inay ku keydsadaan si automatic ahne ugu xisaabinayo darajada ay keensadaan imtixaanka, waxaa kaloo gali kartaa darajada aad rabtid inaad ku qalin jabisid, wuxuuna kuu sheegayaa semester walba inta lagaa rabo inaad keensatid iyo inta kaa dhiman.
* Elements Values: barnaamijkaan oo u sahlaya ardeyda inay ku keedsadaan sida Na+, Ca+, K+ iyo wixii la mid ah, inta ay ku yihiin jirka. (ardeyda wuxuu dooranyaa element kadib waxa uu galinayaa lambar kadib ayaa loo sheegayaa sida caadiga ah iyo inuu badanyahay iyo inuu yaryahay iyo waxyaabaha keeno)
* Trade & Chemical names of each drug: ardeyda oo mushkilad wayn ka soo waajahda dhinacaas ayuu barnaamijkaan ka kaalmeynayaa, daawada magaca loo yaqaano iyo mida shirkadaha kala duwan u bixiyaan.
* Body Mass Index: barnaamijkaan waxa uu kuu sheekay miisaankaada sida laga rabo, haduu badanyahay siyaabaha aad ku yareen karto iyo haduu yaryahay siyaabaha aad ku siyaadin karto.
* Medical Links Database: waa barnaamij aad ku keydsan karto webyada ugu muhiimsan ee aad ka faaideysan karto dhinaca caafimaadka iyagoo aad u kala qaybinayso qeybaha ay kala yihiin.
2-Dhakhaatiirta:


* Your Library: barnaamijkaan oo dhakhaatiirta ay ku keedsan karaan buugaagatooda, si sahlane ula socon karaan, haduu qof ka qaatay iyo inta maalin uu ka maqanyahay, inta nooc oo kitaabo uu heesto ku waasoo maado maado ahaan ugu xifdisan karo barnaamijkaan, iyo waxyaabo kale oo badan.
* Your Patient Data System: barnaamijkaan dhakhtarka waxa uu ka kaalmeynayaa inuu bukaankiisa wixii information ku saabsan uu ku keedsado si hadhowtii uga warqabo caafimaadkooda, lana socdo marwalba ay u imaadaan, taariikhdoodii jirada, iyo waxyabo kale oo badan.
* You Operations Data: waxaa barnaamijkaan uu anfacayaa dhakhaatiirta qaliinka ku taqasustay si ay ugu keydsadaan bukaanka ay qaleen, cudurka uu qabay, qaliinka sida uu ku dhamaday, goormee loo baahanyahay inuu soo laabto, kaasoo ku saacideysa dhakhtarka inuu ka diyaarsado hadhowtii "statistics".
* Antenatal Care Database: barnaamijkan waxuu wax u tari kara dhakhaatiirta iyo hooyooyinkaba kuwaasoo awooda inay kala socdaan wixii macluumaat ee ku saabsan uurkooda, iyo baaritaanada lagu sameeyo sanad kasta, iyo wixii waanooyin ah, iyo goorka looga baahanyahay inay dhakhtar aragto
* Children Growth Chart: waa barnaamij aad uga war qabi karto ilmahaaga koriinkooda
* Children Vaccination Record: waa barnaamij aad ku keydsaneyso ilmahagaaga talaaladooda, kuuna sheegaya goormee lagaa rabaa inaad ilmahaaga talaasho, iyo cunug walba meeqo talaal ayuu qaatay meeqo ayaana u dhiman
* Differential Diagnosis: waa barnaamij kugu kaalmeenaya cudurka bukaankaaga uu qabo, waxaad galinaysa calaamadaha iyo baaritaanadiisa, jawaabo dhowr ah ayuu ku siinayaa.
* Doctor's Phone Book: waa barnaamij aad ku keydsan kartid asxaabtaada cinwaanadooda, iyo balamadaadaba.
3- Farmashiilayaal:


* Your Pharmacy: Waa barnaamij ganacsi ay u sahlaya farmashiilayaasha inay ku kontroolaan daawooyinka farmashiyaha u yaala, inta uga hartay, goorka ay dhaceyso daawo walba, qiimaheeda, wadanka lagu sameeyay iyo wixii lamid ah.
* Medial Tools: kane waa barnaamij kale oo ganacsi oo khuseeya qalabka caafimaadka
4- Maareeyaha isbitaalka:


* Hospital management system: kani waa barnaamij aad ku maamuli kartid isbitaalka aad maareeyaha ka tahay, qeybihiisa kala duwan, inta qof ee ka shaqeysa, fasaxyadooda, nooca shaqada ay qabtaan, iyo waxyaaba kale oo badan
4- Sheybaariistaha:


* Laboratory Data Collection: waa barnaamij kaalmeenaya sheybaaristaha si uu ugu qorto bukaan walba iyo baaritaanadiisa, daabacan karana.
5- Bukaanka:


* waa barnaamij bukaanka qaba cudurada aanan harin sida sonkorta, dhiigkarka ay ku keedsadaan baaritaanadooda, iyo waxyaabo kaleBarnaamijyadaan waa inta aan hada soo aruurinay hadii ay jiraan barnaamijyo kale oo aad jeceshahay in lagu daro ama fikrad aad ka qabto mid kamid ah kuwaan kor aan ku soo sheegay, fadlan ra'yigaaga ka dhiibo.
Dr.Mahdi

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version