Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: 4 bilood oo ciridka i barasan?

(1/1)

Khadar Wahiib:
Asc dhamantii salanta islamka hadaan usonoqdo su'ashayda waxan doctor ciridka oo mudo ilaa 4biloda ibararsanaa kadib waxan utagay doctor wuxuna iso siyay fitanmise(c)
& dawo lagu luqluqdo waxbana imatarin imikana wuxu bilabay inu hoos uqodmo waxdhiga malaha markaa waxan donayay inad doctor ifahfahisid waxyabaha lagu dawaynkaro ee lagaga hortagi karo teda kale dadbadan ayaa igu yidhi waxad cuntaa qudrada cagaran adna waan ucunaa waxbana ima tarin waad mahadsatihiin dhamantii wabilahi tawfiiq.

CilmiSabca:
Walaal si su'aashaada loo fahmo, faah faahin ka bixi waxa keenay in uu ciridku ku bararo. Afar bilood ka hor ciridka ma ku xanuuni jiray? Ilkaha iyo labada saqaf ee afka wax ma ka dareentaa? Jug ama  wax kale miyaa afka kaa gaadhay? Dhakhtarka daawada kuu qoray muxuu ku sheegay bararka ku haya in uu yahay?! Haddii aad faah faahisid sida uu kuugu biloowday xanuunka, waxaa sahlanaaneysa jawaabta uu Dhakhtarku ka bixina hayo su'aashaada. Mahadsanid.

Khadar Wahiib:
waxhaba yarate afka igagadhacay oo juga majiraaaaaan laakiin markuu igu bilabmay siyar oo step step ah ayuu isoogalay wuxuna kubilawday ciridka sare mudo kabacdina wuxu ugudbay ilaa ciridka hoose markii an inbadan sidaa haaa ayaan dareemay in uu cirid si inyar inyara usii qodmayo waxanan utagay doctorka waxanu igu yidhi waxa kuhaysa fitaminsiga (C) ayaa kayar waxanu isoo qoray dawo lagu luqluqanayo & kiniga yar ee biyaha lagu dhexrido ee faxfaxa markan istimalay malinti kowaad ayaa igu kiciyay gastaric (calool alal) wanan iska joojiyay imikana sidiiban ujoogaa qudrada cagarana waan isticmala wax ay iga dhintayna malaha doctorkuna mar an badhitaan isku sameeyay waxa uu igu yidhi waxa kuhay gooryaan calooled & gastaric dawooyin gastarig ah ayuu isoo siyay wanan kuficnaday imika.
hadaba ilkahaygu waxdhiga malaha markaan cadayanayo imina xanuunan arintu waa ciridka oo kaliya mahasanid.

SomaliDoc:
Su'aashaada mid la mid ah oo horay aan uga jawaabnay halkan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3569.0.html

Cabdulahi:
ASC WAXAAN HALKAN KASALAAMAYAA WALAALAHA  drs ka soomaliyeed ee dadkooda caawin haaya  salaan kadib walalka caban haaya waxaan oogu dari lahaa walal  waxaad is tic mashaa geedka ladhaho  qunbo./qunbe afka somaliga  afka eglishka waxaa lagu dhaha coconut waa geed cajiib ah  oo daawo u ah ilkaha iyo faa'iidooyinkale waa leeyahay koley drs ka ayaa inooga aqoon badan laakin waxaan anigu o gaadey inuu ilkaha uu uyahay daawo  qofkasta oo ilkaha ama ciridka laga haayo waa caawin hayaa  waxaad samaysaa  qunbaha miro adag waxana kujira biyo gudihiisa marka biyahaan   markad cadayato oo nadiifiso ilkaha hadii ilka haaga jeebab yeesheena aad jeebabka  nadiifiso  miyaha kabo oo kuluq luqo mudo ku hay afka inta aad awoodo afka kuhay ila 10 / 15 minutes  ku hay afka kadibna liq ama tuf  waxaad arkidoontaa lama filaan cajibka oo horumar badan leh mudo sidaa kuwad sibaxii iyo habeenkii samee walal asc

Navigation

[0] Message Index

Go to full version