Author Topic: Diktoore Adigaa Noo Fududeeyey!.  (Read 16510 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Diktoore Adigaa Noo Fududeeyey!.
« on: December 03, 2011, 05:44:21 PM »
Nin iyo Naag ayaa waxa ay u yimaadeen Dhakhtar, waxa ay iska bixiyeen lacagtii baadhitaanka intaas ka dib, ninkii ayaa Dhakhtarkii wuxu ku yidhi:
"Diktoore, runtii naagteyda ma farxad galin karo, mana u raaxeyn karo ee dhibka jira ii sheeg?!" Dhakhtarkii waxa uu si fiican u fiiriyey wejiyadooda     ka dibna waxa uu soo bixiyey xabad daawo ah, wuxuuna siiyey ninkii oo wuxuu ku yidhi:
"Daawadaan cun (liq) ka dibna qolkaan gala, daawada sida ay noqoto fadlan ii soo sheega."
In yar dib, ninkii & naagtii waxay galeen qolkii, markii ay in xoogaa ah ku jireen ayey soo baxeen iyagoo dhoola caddeynaya oo faraxsan! Dhakhtarkii ayaa markii uu arkay, wuxuu weydiiyey:
"Daawada ka warama?."
Ninkii ayaa wuxuu yidhi:
"Diktoore!,   daawada 100%100 wey fiican tahay, waana ku qanacnay, kkk!".
Marka, Dhakhtarkii wuxu ku yidhi:
"Waa hagaag!. Ee een hal sir ayaa jirta aan idiin sheego ee maqla;      daawadu waxa ay aheyd xabad kaabsool ah, wax micno ahna ma leheyn, laakiin sida aad u qanacdaan ayey wax walba ku xidhan yihiin maskax ahaan & jir ahaanba. Sirtu waa taas."
Ninkii intuu Dhakhtarkii toos u fiiriyey ayuu wuxuu ku yidhi:
"Diktoore!, adigana hal sir ayaa jirta ee fiiri,         naagtaan & aniga isma qabno, meel aan jawi ku galno ayaan weynay oo raadineyney marka Diktoore adigaa noo fududeeeyey ee Mahadsanid!"
Diktoorkii wuu yaabay iyagiina wey ka dhaqaajiyeen!.


Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55878
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Diktoore Aroos cusub ban ahay?

Started by DalwanaajeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6654
Last post December 28, 2016, 07:59:19 PM
by SomaliDoc
Qaadow Adigaa Leh!

Started by DiagnosticBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 5219
Last post January 25, 2008, 03:34:37 PM
by Diagnostic