Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Ilkaha caruurta ku saabsan?

(1/1)

Gantaal:
walaal marka hore waan idin salaamay  marka 2aada waan idiin du cayn hayaa illaahay dambigiina iyo dambiga waalidkiiba ha idiin dhaafo intaa kadib walaal  canug yar oon dhalay oo hal sano iyo bar jira  oo ilkaha kajiran hadii aan sharaxo  markii ay soo baxeen  waxaay lasoo baxeen iyaga oo cadiinkoodu kala  duwan yahay ooy meel meel aad u cad sida nuurada oo kale iyo meel caadi ah leh hadana waxay isubadalleen brown  wayna jajabeen wayna xanuun naan wayna dhiigaan  wali dhakhtar uma gaynin  marka walaal maxaa keena maxaanse kula tacaalaa waad mahad santihiin dhamaantiin  

SomaliDoc:
Walaal, xanuunkaan ilkaha wuu noqon karaa, ciridkane wuu noqon karaa, ilkaha hadduu yahayne wuu si kala duawanaan karaa oo wuxuu noqon karaa ilko-bolol (suus) ama waxyaabo kale.

Taasi waxaa lagu hubsan karaa in aad la xiriirtid takhtar ilko si uu u arko baaritaanne kuugu sameeyo loona hubiyo cillada aad ka sheegayso cunuggaaga.

Waxaan kugu caawin karnaa in aad akhrisatid qoraallo caafimaad oo ku saabsan ilkaha caruurta:
1- Dareyeelka Afka iyo Ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1861.0.html
2- Bololka /Suuska Ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html
3- Daryeelka Ilkaha Ilmahaaga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,741.0.html

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.
SomaliDoc

Cabdoow:
waxan dhatarka waydiin lahaa ilmaha yar yar oo aan sanadka gaarin ma ilko laga saaro ayaa jira sida aan ku arkay dhakhaatiir dhaqameedka,muhiimse matahay in laga saaro waxay ku magacaabaan ilkowga

SomaliDoc:
Su'aashaada dhowr jeer ayaa horay looga jawaabay, ee halkaan ka akhriso ilkowga ama ilko dawacada waxa ay soomaalida u taqaanno iyo sababta ay uga saaraanba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2326.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version