Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Cudurka Qalalka Ma La Isku Daaran Karaa?.

(1/1)

CilmiSabca:
Asc wrt wbt. Bacda Salaam.
Dhakhtar, waxaan rabaa in aan wax ka ogaado cudurka Qalalka ama epilepsy-ga in la kala qaado iyo in kale...
Dhakhtar, Wiil yar oo qaba cudurka Qalalka ayaa wuxuu la joogaa Caruur kale, marka Dhakhtar, mid sanad ka yar oo ay wada ciyaaraan isla-na joogaan oo ay cuntada, dharka & wax walba wadaagaan, ayaa dhawaanahan waxaanu ku aragnay wax Qalalka la mid ah oo uu kor ula qeyliyo isla markaasna uu ka jareynayo qeybta sare ee jirka iyo madaxa, gaar ahaan marka uu seexdo habeenkii, Qalalkaan hortiisna laguma arkin xanuuno kale. Wuxuna Jareynayaa muddo nus daqiiqad ah, ilaa haddana waxay arrintaan qalalka yarka ku soo booday 2ba goor oo ay u dhaxeysay 2ba wiig. Haddaba, Dhakhtar, cudurka Qalalka ma la isku daaran karaa?. Thanks.

SomaliDoc:
Meelne laguma sheegin in cudurka 'Epilepsy-ga" la is qaadsiiyo.

Warbixinta cudurkaan halkaan ka akhriso, wixii su'aalo dheeraad aad qabtidne isla boggaas ku weydii:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version