Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?
(1/1)
Walaalka:
Asc wr. Wb. Sln kadib dhamaan dhakhaatirta website ka waad mahadsantihin sida baahideena aad inooga haqabtireysan, kadib waxan jeclaan laha inan idin weydisto Sual: labada xiniinye ee ragu miyey kala weynyihiin? Midig ama bidix? Ma arin iska dabiici ah waaye mise cilad dhanka koriimada ah aya jirta ama xanuun ama jug gaarta xiniinyaga aya sababi karta hadii ay kala weynyihiin? Fadlan info dheer naga siiya. Mahadsanidin
SomaliDoc:
Labada xaniinyo in ay kala waynaadaan waa arrin caadi ah oo dhacdo mana ahan xanuun ama jug gaartay waa arrin ku aadan xagga korriinka.
Laakiin waxaa jiri karo cudurro kala wayneysiin karo labadaba xiniinyo laakiin waa in ay la socdaan calaamdo kale oo tilmaami karo in xanuun jiro sida: xanuun, daqnasho, barar ama dareen burtuqyo ku samaysma qooraha korkooda iyo waxyaalo kale oo awal aadan horay u dareemi jirin oo aad dareentid.
Waxyaabaha kale oo xiniinyaha kala yarayn karo waxaa ka mid ah in xiniin ay jirato markaasne ay baaba'do taasoo ka dhalan karto badanaa infekshan ku dhaco sida jabtida iyo wax la mid ah.
Laakiin sida caadiga ah labada xiniin way kala waynaan karaan, labada qoorane way kala dheeraan karaan.
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waa na soo waydiin kartaa
SomaliDoc
Navigation
[0] Message Index
Go to full version