Health Related Forums > Medical Stories and Jokes

Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?

(1/1)

CilmiSabca:
Nin ayaa dibadaha yimid, asagoo iska yaaban ayaa la dajiyey guri weyn oo wada qalabeysan, musqul ayuu u baahday, siduu u socday ayuu Talaagad (qaboojiye) galay markuu soo kaadshay ayuu ka soo baxay isagoo aad u dhaxamoonaya oo yaaban, ka dib, haweeney ayuu arkay wuxuuna waydiiyey isagoo fidinjeerka (qaboojiyaha) farta ku fiiqaya "Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo markii la xidhona uu damaayo muxuu yahay?!"
haweeneydii waxay weydiisay "Maxaad u mooday maxaase ka rabtay?" ninkii wuxu ku jawaabay "Suuligii sow ma ahan, waan ku soo kaadshay, biyo la'aa, oo dhaxan badanaa!" haweeneydii wey yaabtay waxayna ku tidhi " War fidinjeerkii baad suuli ka dhigataye iga tag" isna wuxu  weydiiyey "Fidinjeer maxaa waaye maxaase lagu fidiyaa?!". Waxay ugu jawaabtay "Cuntadaa lagu fidiyaa si ay u caafimaad qabto" ninkii wuu sii yaabay wuxuna haweeneydii weydiiyey "Haddii uu cuntada caafiyo, malaha dadkana wuu caafiyaa, laakiin dadka ma lagu fidin karo ileyn waa qol dhaxan badane!"...
Just lol...

Dr.Tulip:
 ;D ;D ;D ;D ;D Mahadsanid CilmiSabce

CilmiSabca:
Adaa mudan Dr. Tulip.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version