Author Topic: Su'aal: Waxaan cunay cusbo badan ka dibna...?  (Read 6972 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan cunay cusbo badan ka dibna...?
« on: April 16, 2015, 09:58:34 PM »
Asc wr wb.
Marka hore salaanta islaamka ee kor ku xusan ayaan ku salaamayaa dhammaan dhakhtarada hawlkarka ah ee aan aadka ugu mahadcelinayo.
Intaa ka bacdi dictoore waxaan isticmaalay cusbo badan oo aan weliba si xun oo qaldan u isticmaalay anigoo xitaa qooshtay oo cabay.

Ka bacdi waxaan dareemay isla maalmihiiba kaadi xad dhaaf ah iyo haraad badan, waxaan noqday sidii qof fuuq baxay oo jidhkayga oo dhan ayaan qalayl ka dareemay, dadkiina waxay ka yaabeen sida aan u dhuubtay iyo waxa indhuhu ila god godmeen sidii qof shubmay oo kale.

Weliba kaadidu aad iyo aad ayay u kulushahay oo suuliga maan gaadhsiin karayn, waxay dhibaato iga haysatay waysada oo markasta oo kaadi i qabato way igasoo daadan jirtay weliba markaan suuliga arko.

Sikasta oo ay u yartahayna waatii soo daadan jirtay uun waayo dee bal adiguba qiyaas qof biyo bayl ah ama kulul doonaya inuu kaadi-haysta ku hayo...

Waan yaabay habeenkii hurdada waan ka caagay oo markasta oo aan jiifsadoba haraad iyo kaadidaa kulul ayaa igusoo waajahmayay.


Dawooyin badan baan isticmaali jiray, xitaa waxa la ii qoray dawooyinka uric acid-ka waxaana isku liqi jiray diclofenac iyo allopunilol 300mg. Waxba igama tarin waan iska joojiyay markii dhakhtarku igu yidhi iska daa waaba intaas oo dawadani wax kusii yeeshaaye.

Taladaa waan qaatay dawo oo dhan waan joojiyay, dhakhtaradana waan kala xishooday in aan idhaahdo cusbo ayaan qooshtay kkk (badownimadayda)...

Dhakhtaraduna waxay iga baadhi jireen kelyo-xanuun iyo caabuqyo.......

.....Mudo 4 bilood ah markaan markaan sidaa ahaa ayaan la kulmay maqaal qoraal ah oo shirkad telefoonada ahi macmiisheeda usoo dirtay oo ay leedahay ""faa'iidada biyaha la cabo subaxda hore iyo xanuunada ay dawayso"" waxaan qoraalka ku jiray kaadida oo qofka gubta sida uu ula tacaalayo iyo biyaha aroorta hore sida uu u isticmaalayo.

Waxana taladooda ka mid ahayd in qofku aroorta hore xitaa inta aanu cadayan inuu cabo biyo ugu yaraan 1.5 litre. Oo aanu 45 minutes waxba ka daba cunin.

Sidii baan yeelay subaxdii ugu horaysay baan 1 litre oo biyo ah cabay.
Ilaa barqadii ayay dhowr jeer kaadi i qabatay, laakiin gelinkii dambe ee isla maalintaasba waan bogsaday alxamdulilaahi rabil caalamiin....

Haddaba qoraalkan badan waxaan usoo qoray in aan faahfaahiyo oo aan ka warbixiyo dhibtaa cusbadu igu keentay iyo sida biyuhu dawada u yihiin, -illaahay amarkii-. Waxaan kale oo doonayaa in aan muujiyo faa'iidada wacyi-gelintu leedahay, maqaal koobanba haba ahaatee.

Ugu dambay dhakhtarada waxaan waydiin lahaa oo aan ka codsanayaa: xaggee ayay cusbadu saamaynkartaa oo dhibta intaa le'eg ku abuurikartaa ma system-ka water balance-ka iyo qanjidhadaa?.

NB:
Cusbadu maaha tan aynu cuntada ku darsanee (milixda) waa cusbada cad cad ee islaamuhu caruurta siiyaan.
Iga raali ahaada qoraalka ayaan dheereeyaye.

Waad wada mahadsan tihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan cunay cusbo badan ka dibna...?
« Reply #1 on: April 20, 2015, 01:29:53 PM »
Waan ku faraxsanahay in aad na la wadaagtid dhacdadaan ku qabsatay si ay uga faaidaystaan akhristayaasha kale.
Midda xigta, cusbada oo si xad dhaaf ah loo cuno waxay keentaa dhibaatooyin badan, waxa cilaldaan ay kuugu daahdayne waa adigoo takhtarka wixii jira aadan si sax ah ugu sheegin maadaama aanan la filanaynin inuu qofka cusbo qooshto kadibne uu cabo.

Cusbada oo la cabo ama la cuno si xad dhaaf waxay jirka ku badisaa maaddo la yiraahdo "Aldosterone" oo haddii ay badato waxay keentaa xanuun loo yaqaanno "Hyperaldosteronism" oo calaamadaheeda ay ka mid yihiin: haraad badan, biyo cab badan, kor qallayl, caajis, murqo xanuun, madax xanuun, kabuubyo iyo xadxato jirka ah weliba u badan lugaha ama gacmaha.

Akhriso xanuunka "hyperaldosteronism" si aad fikrad uga qaadato weliba nooca labaad ee "secondary".

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25723
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47768
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29329
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35142
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9843
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc