Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Geedka Cali-garoobka, Ma Sun Baa?

(1/1)

CilmiSabca:
Asc. sln ka dib. Dhakhtar, waxaa dhawaan cagta iga muday qodaxda geed lagu magacaabo Cali-garoob ama geed-yuhuud, aad baanay cagtu ii xanuuntay, dad baa markay ogaadeen waxay ii sheegeen inuu geedkaan sun yahay, daawadiisana ay gubis tahay, ayadoo dab lagu dhajinaayo  meeshii ay qodaxdu muday. Aniguna waan gubay meeshii uu iga muday waana iska fiicnaaday. sidoo kale waxaan maqlay laba qof oo waayeel ah oo u dhintay qodxaha geedkaas oo muday.
Haddaba, Dhakhtar, geedkaasi   ma sun baa?

SomaliDoc:
Qodaxda geed yahuudka in ay sun tahay weli ma maqlin qof ku sumoobayne ma arkin.
Geedkaan waa geed badanaa ka soo baxo dhulalka lama dagaanka ah adkaysi badanne u leh oonka, waxaana magaciisa cilmi ahaan la yiraahdaa "Nitraria rutesa".
Qofkii aqoon dheeraad ah u leh geedkaas iyo dhibaatada ama faaidada caafimaad ahaan uu leeyahay ha noo faaideeyo.

Mahahsanidiin.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version