Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Xanuun beerka ah?

(1/1)

Hassan Hashi:
Asalaamu calaykum, waxaan halkan ku soo gudbinaya case ay leedahay gabar soomaaliyeed oo rabta taladiina walaaltinimo, hadaba gabadhaas oo la yidhaahdo Halima ayaa waxay tagtay clinic ku yaal magaalada jijiga oo ay ku nooshahay, dhakhatarkii ayaa u diray sheybaar. waana tan jawaabtii sheybaarku:
Name: Halima
Age :59   sex:female

RBS= 124mg/dl
ASO titer=negative
Rheumatic factor= negative   
H.pylori=negative
HBSag(hebatitis b surface antigen)= positive
Aspertate amino transferase=34.3 u/l
Alanine aminotransferase=25.9 u/l
Alkaline phosphatase= 406 u/l
Total cholesterols=233.2 mg/dl


Urinalysis: microscopic 20-24 wbc
Gram’s stain:no bacteria seen


hadaba waxay dhakhaatiirta ka codsanaysaa in ay talo ka siiyaan jawaabtaas kor  xusan ee sheybaarku soo siiyay, sidoo kale waxay leedahay arthritis muddo badan haysay.
mahadsanidiin.

SomaliDoc:
Baaritaankaan waxaa laga fahmayaa in qofkaan uu qabo feyraska Hepatitis B, markii la fiiriyane heerarka dhacaanka tilmaamaya shaqada beerka, waxaa badan enzyme-ka loo yaqaanno "Alkaline phosphatase = 406 u/l

Waxaa kaloo baaritaanka laga dareemayaa in ay jirto infakshan kaadida ah oo tirada unugyada dhiigga cadcad ay badan yihiin: 20-24 wbc

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cudurka cagaarshowga B, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html

Hassan Hashi:
Mahadsanid walal.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version