Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Saxaradayda oo adag iyo nabar ka soo baxay futada?
(1/1)
Cabdinaasir02:
Asc,Salaam kadib Waad mahad santihiin Dhamaan Dhaqaatiirta iyo Howl wadeenada Wapsiteka
marka xigtane waxaa rabay inleyga shaafiyo..
Waxaan isku arkay Mudo bil kudhawaad ah in'ey saxaradeyda Adagtahay,iyo waxa kalo oo jiro in wareega Futada uu kasoo Baxay Nabar yar.
waa iska fcnaday kadib anigoo aan wali tagin Hospital,
Lkn hada waxaa isku arkay Mudo laga joogo 2 maalin In'ey saxaradeyda lasocdo Dhiig (fresh ah) iyo waliba Saxarada Adagtahy iyo Nabarki oo soolabtay.
marka aan saxaroonaayo waa kudhib qabaa nabarka,xanuun ayaa kadareemaa,iyo Cuncun aan sidaas ubadneen,
Waad Mahad santhn
Dr.Adnan:
Astaamaha aad bixisay iyo cabashadaadu waxaan aad ugu tuhmayaa inay tahay babaasiir (Hemorrhoids)
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ka fiiri Boggan ... http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html
Way noqon kartaa Xanuuno kale, Laakiin mar walba isku day inaad la xidhiidho Dhaqtar,,,
Navigation
[0] Message Index
Go to full version