Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Laabta:
Waan ku salamay dr waxan rabay inaad ii fahfahiso dawada loo cuno in lagu catowo ama cayilka lagu hakiyo wax dhibato ah miye leyihin mise ma iska is ticmali kara ano an lii qorin.
Waxa tarkoda iyo wax yeladoda keba badan hadase makala fican yihin kuwese ugu wanagsan mahadsanid wacinadada
Dr.Adnan:
Cayilka (Overweight) ama Cayilka xad dhaafka ah (Obesity), Waa leeyahay Dawooyin laakiin maaha Qaar badiyaa wax kuu taraya hadii aadan la iman go'aanka ah inaad iska dhinto misaankaada. (Motivation)
Xusuusnaw In cayilka xad dhaafka ahi horseedo cudurada Wadnaha iyo kuwa neefsashada, Khatar joogto ahna ku yahay caafimaadkaaga guud ahaaneed.
Hadaba Talaabooyinka Soo socda ayaa lagaa rabaa inaad qaado si aad u dhinto miisaankaada.
1- Diet (Maaraynta Cunnada)
* Raashinka aad cunayso ku dadaal inuu ahaado mid ay ah (Low-carbohydrate ,High fiber, monounsaturated fats) **
* Maalintii 4-5 jeer wax cun, Laakiin ku dadaal inaad cunto wax yar oo aan ku dharjin
* [/list
2-Exercise(Jimicsiga)
Jimiciyada dhakhaatiirtu ku taliyaan waxa laga bilaabaa kuwooga fudud sida
*Talaabada (Brisk walking) 3.5 saacadood usbuuc walba (30-60 minutes maalin kasta)
*Dabaasha (Swimming)
*Beer-falista(Gardening)
Hadii aad tahay qof dhalinyaro Gym is qor oo ku dadaal Jimicsiyada fudud (Aerobics) sida Orodka.
Laakiin maadaama aad qof muslim ah tahay, Ku dadaal soonka Naafilada ah. Sidoo kale Xadiiskii ahaa
??? ??? ?? ???? ??? ???? ???? ????? ?? ????
Daawaynta (Medications)
Ilaa imika Hal daawo ayaa jirta oo loo ogolyahay in oo la yidhaa (Orlistat "Xenical") Laakiin...
Daawada waxa ay leedahay dhibaatooyin fara badan, oo ka daran kuwa cayilka laftooda, dhaqtar la'aantiina ma kuma talinayo inaad isticmaasho, inta badan iyada wax laba bilood ka badan ma isticmaalaysid.
Daawo kale ayaa jirta "Reductil" Laakiin Hadda dunida inteeda badan waa ka mamnuuc waayo waxay sababtay dhimashooyin farabadan. Iska jir inaad ka iibsato suuqa madaw....
Gunaanadkii, Daawooyinka adeegsigooda dhibtooda ayaa ka badan dheeftooda, Habka ugu haboon ee loo dhimo miisaanka uu yahay Maaraynta Raashinka iyo Jimicsiga, Waxaas oo dhanna waxa ka horeysa, Rabitaanka Qofka iyo dadaalkiisa....
[/list]
Abdi M Abdi:
Masha allah Dr. Adnan wad ku mahadsantahay, waxan raba inad i sheegto cunooyinka leh Low-carbohydrateka, kuwa leh High fiber, iyo monounsaturated fats kuway ku jiraan, si aan deitka u badalo.. cunooyinkee ku yaraynaynaa calorie intake,
SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso talooyinka ku aadan cunnada aad cunayso iyo kuwa aad ka fogaanayso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3014.0.html
Laabta:
Gym ka ama socodka la sameyo midkee wax qabadkisa wanagsan yahay oo misanka lagu dhimi kara tankale waxan nahay afrikan waxan caan ku nahay dabo wayn iyo calol wayn ayadana see ugu fudud oo lagu yarn karaa?
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version