Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa?

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Waxay iila muuqataa in aad qabtid cillad neefshiid xumo, ama bakteeriyada ay calooshaada safiican ugu taranto ama waxa loo yaqaano (bakterial overgrowth), waxaa calaamadaha ka mid ah: urka aad ka cabanayso, marmarka qaar neef ur badan ayaa la socoto.

Gooryaanka aad sheegayso oo tuunta u qaadanayso waxaa laga yaabaa in cillad dheefshiid in ay tahay ooba gooryaan uusan ahayn, waa haddii aad isku aragtay, dibiro ama daaco, caloosha oo wax in ay ku dhex socdaan aad moodo, saxaradaada oo saliid in la mariyay oo kale ah (saxaro dufan leh).

Hadiii calaamadaha kuwa aan sheegayo ay yihiin, cilladaada maahan mid ku tagayso qubeys, iscarfis ama tin la iska xiiro waxaad u baahan tahay in aad la xiriirto takhtar ku taqasusay dheefshiidka (gastroenterologist) si uu kuu caawiyo.

Haddii wax kale aad ka shagisan tahay u tag, takhtar guud, si laguu baaro.

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version