Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Malaysku dari karaa faleebo iyo antibiotic?

(1/1)

Nuur12:
waad salaamantihiin dhamaan dhaqaatirta iyo memberiska kale waxaan qabaa su aal taas oo ah faleebada marka anti biotic inj ah lagu daro irbadi biyahan lagudaray miyay hawshedi samayn ku yeelanayaa metronidazole solution malagu dari karaa irbad sida ampicilline inj amoxycillin inj b complex neurobion pen g iwm waa mahadsantihiin

SomaliDoc:
Daawooyinka qaar ka mid ah ayaa faleebo lagu dari karaa, qaarne la iskuma dari karo, taasi macnaheeda maahan in waxtarka daawada ay badalayso kaliya ee daawada in xidid laga qaadan karo iyo in kale xitaa waa mid aad muhiim u ah.

Midda kale labo daawo la iskuma daro, tusaalaha aad sheegtay oo kale Metronidazole solution iyo Ampicilline inj.

Daawooyinka qaar markii la isku daro sun ayay isku badalaan oo qof waxyeello bay u gaystaan.

Please daawada sidii laguugu qoro u isticmaal.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version