Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Haddii Aa Si Qaldan U Isticmaalo Daawo Caafimaadkeyga Ma Saameyn Kartaa?

(1/1)

AbuJaasum:
Asc wrt wbt. Salaan ka dib.
Dhakhtar, waxaa jirta dhalin yarta football-ka ciyaarta qaarkood in ay isticmalaan tablets si aysan wax u dareemin  inta ay ciyaarta ku jiraan, taasoo ah {misuse of drugs.} marka wax yeelo dhanka cafimaadka ah ma ku yeelan kartaa isticmaalka daawooyinkaas? Dhakhtar waxaan sidoo kale doonayaa in aad dawooyinkaas ay ciyaartoydu isticmaalaan ii faah faahisid waxa ay yihiin iyo waxa loogu tala galayba. Waxaan aan filayaa in aad Dhakhtar, su'aashaas ila fahamtay. Waadna mahadsan tahay.  

SomaliDoc:
Daawooyinka ay isticmaalaan ciyaartoyda waa noocyo kala duwan, waxaana kulligood la isku yiraahdaa "Performance enhancing drugs" waana kuwa aan sharci ahayn.
Sida ay u shaqeeyaan way ku kala duwan yihiin, qaar maskaxda ayay saameeyaan (maandooriyayaal) oo qofka in uu daalay iyo in kale in ay jug gaartay ma dareemo inta uu dheelayo, qaar waa kuwa dareenka ka yareeyo lugaha si aan loo dareemin xanuunka iyo wixii la mid ah, qaar waxay qalqal galiyaan isku dheellitirnaanta jirka ee oksajiinka iyo tamarta sidaa darteed daawooyinkaan oo idil waxay qatar ku yihiin jirka bini-aadanka, dhibaatooyinkoodane waa kuwa horay ka soo muuqdo, qaarkood markay ciyaarta dhamaato ayaa la dareemaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version