Author Topic: (MSF) Casuumaad: xafladda soo bandhigista buuga cusub ee “Out of Somalia” ..  (Read 7232 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Casuumaad: xafladda soo bandhigista buuga cusub ee “Out of Somalia” iyo dood wadaag ‘Dadaab, 20 sano kadib maxaa xiga?

Dhadhaab, Kenya: “Immisa dhibaato oo kale ayaa ay nagu qaadaneysaa ka hor inta aanan bilaabin in aan xal raadinno?”

Dhadhaab/Nayroobi, 14 Juunyo 2012 – Khamiista 14 Juunyo, ka hor Maalinta Qaxootiga Adduunka, ururka caalamiga ah ee arrimaha bani’aadamnimada Médecins Sans Frontières (MSF) waxaa uu daaha ka rogayaa buugga magaciisu yahay Out of Somalia, buuggaas oo ku saabsan nolosha xerada qaxootiga ee ugu ballaaran adduunka sida ay ugu muuqato laba qoraa oo qora sheekooyinka maadda ah. MSF waxaa ay sidoo kale qaban doontaa munaasabad ay kuwa ugu muhiimsan ee ay khuseyso iyo saxaafadda ay kaga munaaqashoonayaan mustaqbalka Dhadhaab.

Dhadhaab hadda waxaa ku nool dad ka badan kuwa ku nool Nakuru, magaalada afaraad ee ugu weyn Kenya. In kasta oo bilihii dhowaa ay ka hoos baxdey ajandaha wararka, haddana xaaladda nus-milyanka qaxootiga ah ee ku nool Dhadhaab weli waa mid quus taagan.

Cusbitaalka MSF ee Dhagaxleey – oo ah mid ka mid ah shanta xero ee la isku yiraahdo Dhadhaab – shaqaaluhu waxaa ay bishiiba sameeyaan celcelis ahaan 14,000 la-talin caafimaad ah. Bilihii dhowaa waxaa jirey jadeeco iyo daacuun dillaacay, waxaana kordheysa tirada dadka qabo qaaxada daawooyinka badan u adkeysata. Intaa waxaa u sii dheer, ammaanka ayaa sii xumaadey, diiwaangelintii qaxootiga cusubna waa la joojiyey siddeeddii bilood ee la soo dhaafey. Iyada oo la wajahayo xaqiiqdan, waxaa cad in in xerooyinka sida ay hadda yihiin lagu sii hayo 20 sano oo kale ma aha mid la qaadan karo. Haddaba maxay tahay midda tan beddelka u noqon karta?

“Immisa dhibaato oo nafaqo ama jadeeco safmar ah oo kale ayaa ay naga qaadaneysaa ka hor inta aanan bilaabin raadinta xalka?” ayaa ay tiri Dr Elena Velilla oo ka tirsan MSF.” Qaxootiga ku jira Dhadhaab waxaa haysta labada culeys oo kala ah xaaladaha liita ee ka jira xerooyinka dadku ku tiro badan yihiin oo dhinac ah, iyo dal ku maqnaansho aan weligeed dhammaan oo dhinaca kale ah. Labaatan sano ka dib markii xerooyinka la furey, waxaa ay u eg tahay in taariikhdu ay soo laba noqoneyso. Waxaa cad in loo baahan yahay in wax laga beddelo qaabka xerada.”

Dadka caanka ah ee ka qaybqaadan doona munaaqashooyinka khubarrada waxaa ka mid ah: Mr Badu S Katelo, oo ka Socda Guddiga Arrimaha Qaxootiga ee Wasaaradda Socdaalka iyo Diiwaangelinta Dadka; Mr Abel Mbilinyi, Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ee Dalka; Mr Bare Osman Abdi, Guddoomiye-ku-xigeenka Dhallinyarada Dhagaxley; Ms Kellie Leeson, Agaasimaha Dalka ee hay’adda International Rescue Committee (IRC); iyo Dr Elena Velilla, Madaxa Ergada Médecins Sans Frontières (MSF). 

Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) waa urur aan faa’iido doon ahayn, oo aan dowli ahayn. Waxaa uu gargaar madax-bannaan, oo dhexdhexaad ah uu in ka badan 60 dal uu ku siiyaa dad badbaadadoodu ay halis geliyeen rabshad, dayacaad ama masiibo, taas oo aasaasiyan ka dhalata iskahorimaad hubeysan, cudurro safmar ah, nafaqo-xumo, dad laga hor istaagey gargaarka caafimaadka iyo masiibooyin dabiici ah.

Bishii Oktoobar 2011, laba shaqaalaha gargaarka ee MSF ka tirsan,  Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut, ayaa laga afduubey xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee waqooyiga Kenya ku taalla iyaga oo gargaar degdeg ah siinaya dadka Soomaaliyeed. Ilaa hadda waa la haystaa, waxaana MSF, in kasta oo ay sii waddo wax ka qabashada dhibaatooyinka ba’an, ay hakisey in mashruuc aan degdeg ahayn ka furto Soomaaliya ilaa laga sii daayo.

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:

Maimouna Jallow

Sarkaal Goboleedka Macluumaadka ee MSF (Kenya, Sudan, Koonfurta Sudan, Soomaaliya, Itoobiya)

Tel: + 254 (0)722 513 981

msf-nairobi-press@msf.org

Judy Akelle Waguma

Sarkaalka Warfaafinta ee MSF Kenya

Tel: + 254 20 444 0536, +254 733 613 090

msf-nairobi-press@msf.org




 

Best Histology website (blue histology) Try it -Esp for Students in Somalia-.

Started by Dr.AdnanBoard Basic Medical Science

Replies: 2
Views: 46606
Last post December 21, 2007, 04:19:33 PM
by Dr.Adnan
Medical Group Says Access to Medical Help in Somalia Down Drastically

Started by Terror manBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 35161
Last post January 25, 2010, 07:11:17 PM
by Dudieezper
Right to Health and Public Health Law Assessment in Somalia Consultant

Started by AbdulrazzakBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 27807
Last post June 15, 2013, 11:39:57 PM
by Abdulrazzak
Nutrition Coordinator - Merlin Kenya / Somalia Nutrition Programmes

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 36858
Last post May 25, 2011, 07:45:32 PM
by Admin
Health Manager (Health Management Information System), Nairobi - Somalia

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 2
Views: 334619
Last post November 22, 2015, 05:05:04 AM
by Ashom