Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal Ilmaha oo Naaska la nuujiyo iyo Xaydka dumarka ?
(1/1)
Hassan-Deeq:
Asc wr wb dhamaan bahweynta somalidoc.com iyo shacabka soo booqda dhamaantiin
Salaan kadib walaalayaal waxaan qabaa su'aal taasoo ah dumarku marka ay dhalaan/umulaan kadib hadii ay ilmaha naaska nuujiyaan oo aysan caanaha naaska maahane caano kale siinin habayn iyo maalinba ma cilad dhiiga caadada/xaydka ka joojiso mudo bilo ah ayaa ku dhacda ?
Dr.Adnan:
CS waa lagaa qaaday..
Hadii Hooyada Umusha ah ay ilmaheeda naas-nuujiso Sida la yaqaan ilaa muddo lix bilood ah kama yimaad dhiiga caadadu, 90% wax ka badana mudadaas lixda bilood ah uur ma qaadi karaan.
SomaliDoc:
Haweenka oo idil isku mid ma ahan waxaa jira haween iyagoo ilmaha nuujinaya caadada u timaado uurne qaadi karo.
Haddii haweentu aysan helin caadadeeda inta ay naaska nuujinayso, uur ma qaado, laakiin haddii caadada ay timaado waxaa badan jaaniska ah in ay uur qaado.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version