Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Canug lasoo xaaqay kadibna caadada oo wareertay iyo xanuun caloosha ah

(1/1)

Honestboy:
Asc waan idin salaamayaa bahda Dhaqaatiirta soomaalieyeed waxaana runti idiinka mahad celinayaa wax qabadka aad bulshada somaliyeed u sameysaan  intaa kadib magaceygu waa mohamed ali waxaan joogaa xeryaha qaxootiga dhadhaab ee kenya waxaa iga xanuunsan gabar xaaskeyga ah waxaana haaya xanuuno ay caado wareer kamid tahay iyo caloosha hoose oo saaid u xanuuneysa  xanuunkan ayaa ka billowday kadib markii la soo xaaqay mar sii horeysey oo sanad laga joogo intaa wixii ka danbeeyey waxaa bilowday dhiig in badan ka socday mudo dhawr bilood ah kadib ayey uureysatay ilmo ayeyna dhashay laakiin dhalmada kadib waxey bilowday xanuun fara badan oo caloosha ah iyo caado wareer aanu dhiigeedu waqti laheyn sidaa daraadeed waxaan bahda somalidoc gaar ahaan  qeyb caafimaadka ka codsanayaa bal in tala bixin iga siisaan jugta soo gaadha minka (ilmo galeenka) dumarka iyo dawada ugu wanagsan ee la siin karo iyo xaaqidda dumarka lagu sameeyo saameynta caafimaad ee ay yeelan karto idiinkoo faafaahin dheeraad ah isoo weydiin kara markasta oo aad u baahataan inshaa allaah  aad ayaad u mahad san tihiin 

SomaliDoc:
Caado oo wareerto ilma la soo xaaqay ka dib waxay noqon kartaa dhowr shey oo ay ka mid tahay in hooyada ay caabuq ka qaaday xaaqiddii, taasoo keeni karto in caadad ay wareerto, waxaa kaloo keeni karo in hormoonnada jirka uu khalal ku dhacay maadaama ilmo aanan dhamaystirmin la soo xaaqay.
Sidaa awgeed, xaaqista waa in uu sameeyaa takhtar aqoon u leh, kadib waa in hooyada ay si joogto ah ula xiriirto tkahtar maxaayeelay hooyooyinka qaar, waxay ka qaadaan xaaqisa qaar in aysan uurdambaba qaadin, dhaawac minka gaaray awgiis.
Sidaa darteed waxaan kugula talin lahaa in haweentaada aad la xiriirisid takhtar ku taqasusay cudurada haweenka, lana saaro ultrasoundka ama waxa soomaalida u taqaanno "Kumbuyuutarka".

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caado wareerka iyo waxa keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Halkaane ka akhriso qoraal ku saabsan caadada oo dumarka ku xanuunsadaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo waydiin kartaan.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version