Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal:- Kaadida oo igu baysa?

(1/1)

Abdirizak:
Asc.

Waxaan isku arkay modo laga joogo 7 Bilood kaadi xanuun siyaado ah, ka dib waxaan u tagay dhakhtar wuxuuna ii diray shaybaarka.

 waxaa layga qaaday:-
 1- kaadi
 2- Burseele
 3- Isfiilito
                     
     Jawaabtiina waxay noqotay Negetive, waxba waa layga waayay, lkn dhakhtarku wuxuu ii qoray. kiniino Antibiotic ah. wuxuu kaloo igu yiri iska yaray shaaha cabidiisa badan, biyahana badso. mudo kadib illaahay caafimaad ayuu isiiyay Alxamdu lillaah,

 laakiin waxaan hada isku arkay in marka ay kaadidu iga imaanayso inay ixanuujiso markay u soo dhowdahay inay soo baxdo, waxaadba moodaa in tuubada dhagax kujiro.

 iyadoo sidaas tahay kaadidu makala go'ayso oo waan sii dhamaysan karaa.

                              illaaahay ayaan caafimaad ka baryaayaa.

SomaliDoc:
Calaamadaha aad dareemeyso waxay tilmaamayaan caabuq kaadi mareenka ah, kaasoo ku dhici karo tubada kaadida marto.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa kaadi mareenka "UTI": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html

Waxaa kaloo dhici karo caabuq soo laalaabtay inuu keenay in tubada kaadida ama ibta in ay ciriiri noqotay, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cilladaas:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1865.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version