Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal:- Faa'iidadda Cabida Caana Booraha?

(1/1)

Abdirizak:
A-s-c.

Wax badan waxaan maqalnaa Cabidda caanaha waxay faa'iido u leedahay Lafaha, iyado oo ay ku jiraan maadada Calcium-ka.
hadaba caanaha aadka loogu riyaaqay caafimaadkooda waa caanaha Geela, laakiin ilaa iyo hada waxaan is waydiiyaa, Faa'iidadda ay leeyihiin caanaha ku jira Daasada Ama Bacaha ee looyaqaan Caano Boore.

Soomaali haydaynu nahay waxaynu aamin sanahay, in caana Boorha aysan u fiicneyn Raga inay cabaan taas oo u keenaysa inay xaga galmada ama Manidu ka fariisato (ADKAATO)'.

Arintaasi inay Huu HAA iyo Khuraafaad aynu aaminay inay tahay iyo inkale ayaa shaki igaga jiraa aniga iyo dadbadan oo kale,.
Hadaba waxaan rabaa inaad figradiina guud iyo cilmigiina isugaysaan, oo aad arintan wax ka tiraahdaan.
                                          haday runtahay iyo haday beentahayba

SomaliDoc:
Caana booraha waxaa ka maqan ama sidii la rabay uguma dheellitirna macaadintii nafaqada lahayd ee eebbe ku abuuray caanaha xoolaha, mideeda kale waxaa lagu daraa daawo xifdisa ama caraftooda ilaaliso ama dhadhan u yeesho sidaa darteed caafimaadka uma roona laakiin cilladaan aad ka dhawaajisay in ay adkeeyaan biyaha ragga ma maqlin, waxayna u badan tahay in ay sheeko iska tahay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version