Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxan cuncun ka dareema cagaha markan inbadan taagnaado sida (tukashada)

(1/1)

Wahiib143:
asc dhamaan dhakhaatiirta
suaasha maanta aan idin waydiinayaana waxa weeye (waxaan cun cun ka dareema cagaha markaan inbadan taagnaado) markaan tukanayo sida salaadaha taraawiixda iyo salatul laylka in badan oo horena waan isku arkay cun cun kan cagaha, waxaanay caguhu i cun cunaan markaa lataagan yahay salaadaha.
wakhtiyada kale wax cun cun ah ma dareemo lakiin hadii aan taagnaado waa ay icun cunayaan, ugu yaraan 10 minute hadaan taagnaado cun cun saa' ida oo aanan salaadaba  ka tukan kareyn ayaan dareemaa ee markaa waxaan idiinka baahanahay inaad faahfaahin iga siisaan arintaa...
wcs

CilmiSabca:
Haddii aad xitaa 10 daqiiqo ka badan socotid xanuunka ma dareemeysaa?.

Wahiib143:
may socodka maaha DR
waa taagnaanta ama sarajooga aad baad umahadsanthay

SomaliDoc:
Cabashada aad ka cabanaysaa waxay astaan u tahay in cadaadiska cagta aad saartay muddada dheer in ay xadhibtay qulqulkii dhiigga ee gaari lahaa lugta qeybaheeda hoose taasne ay keenayso in aad dareento cuncun.
Sidaa awgeed waxa xannibi karo qulqulka dhiigga waxaa ka mid noqon karo in xinjir dhiig ay jirt oo muddo dhex fadhisay xididadaada lugta, sidaa darteed la xiriir takhtar ku taqasusay cudurrada dhiigga ama xididada, haddii aad joogtid wadanka banaankiisa oo aad samayn karto baaritaan xididada ah way fiicnaan lahayd laakiin intaa kah or la xiriir takhtar aqoon u leh xanuunkaaga.

Wixii su'aal dheeraad ah waad na waydiink artaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version