Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Jermis ka bira wax lagu saaro?

(1/1)

Nuur12:
salaan qaaliya ka dib waxaa qabaa 3 suaal 1 biraha ilkahalagu  saaro xanuunada ma gudbinkaran noockasta ha ahaade hadii la nadiifiyo iyo hadii kale ba 2 qofka dhaawaca qaba weliba raga ma galmonkaraa haduu galmodo maxaa soo gaadhaya 3 medronidazole tabs ma anti bacteria mise waa antibiotic waa mahadsantihiin jawab wacan

SomaliDoc:
Su'aasha 1-aad: biraha aan jeermiska laga dilan ha ahaadaan kuwa ilkaha lagu siibo ama kuwo haweenka lagu fooliyo way gudbiyaan cudurrada laga kala qaado dheecaannada iyo dhiiga sida aydhiska, cagaarshowga iyo wixii la mid ah.

Su'aasha 2-aad: dhaawaca halkuu ku leeyahay?!, haddii dhaawaca uu yahay mid aan hor istaagi karin in uu galmoodo sida in qofka uu gacanta uu ka dhaawacan yahay ama lugta, qofkane uu awoodo, taasi wax dhib ah uma keeni karto...

Su'aasha 3-aad: Antiobiotic iyo antibacteria waa isla meeshii, waxba kuma kala duwno.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version