Author Topic: Su'aal: Low Sperm daaweyn deg deg ah ma leedahay?  (Read 8156 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdiyare101

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Low Sperm daaweyn deg deg ah ma leedahay?
« on: January 02, 2013, 08:04:09 AM »
S/Alleykum,

Walaalaha Doctors ah waad u mahadcelinayaa dhamaantood. Waxaan qabaa su'aal la xiriirta Low Sperm Count. Baaris aan isku sameeyey ka dib, ayaan ku ogaadey in sperm_adeydu ay aad uga hooseyso intii la rabey, sidoo kale sperm mortility tahay abnormal, laakiin semen waa intii loo baahnaa, baariista dhiiga ama hormone tests la igu sameeyey sida testestrone, LH, etc dhamaantood waa normal oo intii la rabey. Tan kale ma jiraan wax heritage ah oo family xagiisa ah kuli caruur ayey leeyihiin oo dhibkaan ma qabaan, da'deyda waa 39 jir. xoogaa guurka ayaan ka raagey, oo 3 sano ka hor ayaan guursadey, biyo baxa gacanta ayaan badsan jirey oo aan eersanaayo oo howshaas waxaan ku jiray in muddo ah inta aan guursan. kacsigeyga waa caadi ilaa hadda oo xagaas cilada kama qabo walow mar marka qaab xoogaa nijab markaan dareemo kacsiga yaraanaayo.
Low Sperm Count  ayey dhaqaatiir dhowr ah aan u tagey ku soo koobeen baaritaano ay igu sameeyeen ka dib.
Ma jiraan wax talo, iyo daawo ama daawo direed aad igula talin lahaydeen oo kor u qaadi kara sperm yarida la igu sheegay?
Aad iyo aad ayaan mar kale idiin ku mahadcelinayaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Low Sperm daaweyn deg deg ah ma leedahay?
« Reply #1 on: January 02, 2013, 07:53:44 PM »
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdiyare101

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Low Sperm daaweyn deg deg ah ma leedahay?
« Reply #2 on: January 03, 2013, 06:49:21 AM »
Mahadsanid Dr. Waan fahmey 2da Links waxii ku qornaa
Waa ii dheer oo aan rabey inaad kuu sheego ma jiraan waxa qaliin hore oo xaga (kaadimareenka, kaadiheysta, xaniinyaha, qanjirka borostaytka ama prostate cancer)
Xaga kacsigeyga waa caadi, walow hoos u dhac aan dareemaaya bilihii ugu dambeeyey taasoo aan u maleynaayo xoogaa niyad jab inuu jiro, laakiin kacsigayga so far waa caadi
Ma jiraan daawooyin aan qaatey ama horey u qaadan jirey.
Hormone Level sida LH, Testosterone and FSH kuli waa ok ama normal sida Urologist ii sheegey., xagaa xaniinyaha waa baarey ma jiraan wax buro iyo cilad kale sida uu baarista iigu sheegey.
Waxaa baarista sheegeysaa in 1ml of manidayda ah ay ku jirto 6 million oo xaw ah (sperm) taasoo aad uga yar 20 million ee laga rabey caadiyan

Maxaa khaldan oo keeni kara Low Sperm Count ayaad u maleyn kartaa baaris noocee ah ayaan u baahanahay?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Low Sperm daaweyn deg deg ah ma leedahay?
« Reply #3 on: February 19, 2013, 11:05:49 PM »
Baaritaannada lagu sameeyo xawo yarida intaa kuma eko oo waxyaaba badan oo kale ayaa keeni karo oo aan la baari karin sida in hadda ka hor daawo yarayso xawada aad qaadatay, in ay ku gaartay shucaac ama sun xawada baabi'in karo, in xaniinyaha ay kuleyl ama huur siyaado ah gaaray, in cadaadis muddo dheer ah saarmay sida dadka baaskiilka aad u isticmaalo oo kalo.

Liiska keeni karo xawada yarida maahan mid halkaan lagu soo koobi karo, laakiin haddii aad la xiriirtid takhtar khibrad iyo takhasus leh, baaritaanada loo baahan yahayne aad samayn kartid way fiicnaan lahayd maxaa yeelay cillada xawada waxay noqon kartaa cillada tiro ama tayo.

Haddii la fahmo cillada keentayne qaar ka mid ah waa la daawayn karaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda burqo burqo ayay leedahay?

Started by Yahye1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 45827
Last post September 18, 2019, 12:46:48 AM
by Yahye1
Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?

Started by JiidheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17753
Last post June 05, 2015, 06:18:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada jilcisada la dhaho maxeey dhibaato u leedahay tinta?

Started by Hanna HuteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10875
Last post March 30, 2016, 04:30:29 PM
by SomaliDoc
Nuurtooy Wax Badso Wax La'aan Ayey Leedahay!! (Sheeko Gaaban)

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 18767
Last post July 26, 2009, 09:30:58 PM
by Waxbaro!
Uur miyaad leedahay? Iska baar cagaarshowga nooca B

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 27503
Last post November 10, 2010, 07:52:11 PM
by SomaliDoc