Diseases and Conditions > Qaybta Wacyi Galinta

5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada

(1/1)

Pharmacist:
Maxay yihiin shanta qaybood ee ugu waaweyn isticmaalka daroogada?


* Isticmaal tijaabeed (Experimental use)
Qofku wuxuu isku dayaa daroogada mar ama laba jeer, sababta oo ah inuu wax ka ogaado. Badiba isticmaaleyaasha tijaabeed kama warqabaan khataraha ku jira qaadashada daroogooyinka gaarka ah. Waxay halis ugu jiraan inay waxyeelaan sababtoo ah jirkoodu uma baran daroogadan mana yaqaanaan sida ay ula falgali doonaan daroogadaas.
* Isticmaal madadaaleed (Recreational use)
Qofku wuxuu doonaa inuu daroogada u isticmaalo ku-raaxaysi, gaar ahaan inuu niyaddiisa kor u qaado munaasabad bulshadeed.
* Isticmaal xaaladeed (Situational use)
Qofku ayaa daroogada u isticmaala si uu ula qabsado jawiga xaallad gaar ahaaneed. Tusaale ahaan, amfitamiins-ka ayaa waxaa isticmaali
jirey darawallada taraagyada safarka-dheer si ay ugu caawiso inay soojeedaan iyo cayaartoyda cayaaraha fudfudud si ay kor ugu qaaddo
tamartooda. Darawallada tagsiyada qaarkood ayaa ayaguna isticmaala qaadka si uu ugu caawiyo inay soojeedaan inta ay ku jiraan saacadaha shaqada ee dhaadheer. Dadka la soo kulmay qaracanka iyo nasiibdarrada ayaa badanaa dhakhtarkoodu u qoraa benzodiazepines (oo ah dajiye khafiif ah) si ay uga caawiso inay la qabsadaan murugta.
* Isticmaal xad-dhaaf ah (Intensive use)
Qofka ayaa muddo waqti yar ah ku isticmaala xaddi weyn oo daroogooyinka ah, ama daroogada u isticmaala si joogto ah dhowr maalmood ama toddobaad.
* Isticmaal ku-xirnaansho (Dependent use)
Qofka ayaa noqda mid ku xiran daroogada ka dib isticmaalkeeda dheer ama badan in muddo ah. Qiyaastii tiro yar oo keliya oo ka mid
isticmaaleyaasha daroogada ayaa noqda isticmaaleyaasha daroogada ku xiran.La soco qaybta soo socota ee ku saabsan la qabsashada iyo ku xirnaanta daroogada
Real Pharmacist

Navigation

[0] Message Index

Go to full version