Author Topic: Su'aal: Maxaa sababi kara calaamadahan aan isku arkay?  (Read 8934 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ayaan Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa sababi kara calaamadahan aan isku arkay?
« on: January 11, 2013, 12:06:04 AM »
ASC. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsantihiin marka hore wacyi galinta anigoo ah walashiin waxan idin weydiin lahaa ama aad iga jahil bixisaan cudurkan aan ka cabanayo mudo fog.   Da deydo waa 28jir. Waxaa mudo laga joogo 3sano ka hor aaan isku arkay calaamadahan. Murqaha ama seedaha qoorta ayuu xanuunka iiga bilaawday oo xanuun ka dareemayo iyo sidoo kale xanuun murqaha. Dhabarka madax xanuun. Waxaan umaleynayay malariyo ama tifow. Dhaqatar ayaan utag wuu iga baaray wuxuu idhahay waa malariyo. Daawoyin ayuu ii soo qoray waxna isagama garan kadib mid kale ayaa utagay sidoo kale malariyo iyo tifow ayaa ku hayo ayuu idhahay. Daawoyinkii wax isagama garan. Nairobi ayaan imaaday bilo kadib   dhaqtar ayaan utagay waan uga shekeyay dhib aan sheeganayo wuu ibaray wax maqabtid ayuu idhahay. Lakiin wali cudurkii wuu hayay. Alle ayaan iska talo saartay. Dhaqtarna waan iska dhaafay maadaama aanan cudurka u fadhinin lakiin uu isaameynayo.  waxaan inka codsanaa inaad talo iga siisaan cudurka waxa uu noqon karo.   Calaamadaha aan dareemayo markaste waaaaa.      Qoorta oo ixanuunta markaste  2. Murqo xanuun. 3. Kala qoysyaha oo I xanuuna 3. Jirka dhan oo aad moodo in kuleyl la iiga furay. 4. Indhaheyga oo guduuta xanuunka dartiii.  5. Caajis farabadan oo aan ka cabto markaste waxaana ugu daran marka subaxdii marka aan tooso.  6. Jirka oo aan ka dareemayo tabardari iyo daal farabadan.  Lakiin xanuunkeyga waxaa ugu daran waa qoorta murqaheeda oo aad ii xanuunaya.   Waa mahadsantihiiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa sababi kara calaamadahan aan isku arkay?
« Reply #1 on: March 10, 2013, 02:13:25 PM »
Waxaa fiicnaan lahayd in aad noo sheegtid baaritaannada lagugu sameeyay waxa ay kala ahaayeen iyo wixii lagaa helayba..., haddii baaritaan dhameestiran ka dib lagu yiri wax ma qabtid waxaad akhrisataa cudurkaan oo calaamadaha aad sheegtay lahaan karo, baaris lagu ogaadane aysan jirin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ayaan Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa sababi kara calaamadahan aan isku arkay?
« Reply #2 on: March 19, 2013, 10:29:52 PM »
Mahadsanid dhaqtar. Aniga walal dhaatiirta aan u tagay waxa ay iga baareen maleriyo iyo tiifow waxa ayna igu dhaheen waad qabtaaa daawooyin ayey ii soo qoreeen lakiin waxba isagma garan kadib nairobi aaan imaaday yacni dalkii waan ka soo tagay dhaqaatiir ayaan booqday cudurkeyga ayaaan uga sheekeyay kadibna isla cuduradii ayey iga baareen mana qabtid ayey igu dhaheeen kadib dhaqtarkale kuma laaban. Mudo 3sano iyo bilooyin ahna waaan xanuunsahay. Calaamadaha iigu daran waaa. Qoor xanuunka iyo jirka oo dhan oo I gubanaya ama kuleyl I ah.   Dhabar xanuun iyo murqo daal. Iyo ani dhan oo ah qof tabardaran  sidoo kale cajis fara badan waliba ugu sii daran subaxdii xiliga aaan hurdada ka kaco.   Mhadsanid doctor

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa sababi kara calaamadahan aan isku arkay?
« Reply #3 on: March 29, 2013, 01:07:06 PM »
Calaamadaha aad sheeganayso cudurro badan ayay u noqon karaan calaamad, marka warbixin laguma sheegi karo cudurkaaga, mideeda kale baaritaanada maahan malaariyoi yo tiifow kaliya, baaritaano kalaa u baahnaan kartaa, midda kale mala xiriirtay takhtar rasmi ah oo aqoon u leh cabashadaada mise?

Haddii aad la xiriirtay takhtar aqoon u leh oo uu kaa helay cudurka aad sheegtay daawane lagaa siiyay, fadlan isaga ku laabo una sheeg weli in aad xanuunsan tahay..

Kumanaan cudur ayaa jiri kara oo u baahan in la kala sooco, waxa lagu kala sooci karane waa waraysi, wiisito iyo baaris, haddii intaas aad ka cabatay in malariyo iyo tiifow kaliya lagaa baaro sax maahan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55916
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162222
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106921
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62255
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28947
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc