Labada su'aalood inay xiriir leeyihiin baan umalaynayaa, anoo tixraacaya sida hadalkaaga aad ku sheegtay midda hore labada su'aalood sida dhakhtarkaagu sheegay haday tahay waxay ahayd inuu daawo kuu qoro, inuu qoray iyo inakle maadan sheegin siiba daawooyinka saxarada jilciya sida Lactulose ka oo kale, talooyinkana aad ka qaadatid dhakhtarka sida inaad cunooyinka calool fadhiga kugu keena iska ilaalisid, cunooyin caloosha jilciyana qaadatid sida Mooska,qaraha, biyaha badan, timirta, iyo khudrawaadka badankood.
su'aasha labaad oo sida hadalkaaga ka dhadhamaya midda hore xiriir laleh, neefta badan ee gadaal kabaxaysa waxaan umalaynayaa inay keenayso dhawaca aad tiri rectum ka ama malawadkuu soo gaaray, maadaama tuubadu ay leedahay muruqyo control la, hadii muruqu dabco neefta lama control li karayo.
Waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtarkaaga u tagto oo dhakhtarku fiirsho meesha hadii dhaawac jiro iyo hadii kale, markaasna talaabo haboon asagaa ku marin doonee.