Author Topic: Dood Wanaag: Ceebaha Aanu Leenahay Haddii Aan Takhaatiir Nahay?  (Read 16855 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Dood Wanaag: Ceebaha Aanu Leenahay Haddii Aan Takhaatiir Nahay?
« on: October 20, 2014, 02:44:09 PM »
Asalau Alaikum,

Waxaan jeclaystay in aan doodaan uga hadalno qodob ka mid ah ceybaha ay leeyihiin takhaatiirta soomaaliyeed qaar ka mid ah, taasoo aan arkay badanaa in ay ka cabanayaan bukaanadeena.

Waxaan jeclaan lahaa qofkii doonayo in uu ka qeyb qaato doodaan in uu fikradiisa naga siiyo ceebahaan hadii ay jiraan iyo haddii aysan jirin, iyo sida lagu xallin karo haddii ay jiraan?.

In aan doodaan furo waxaa igu dhalisay dhacdo xanuun badan oo dhacday bishaan dhexdeeda oo ay ka dhacday isbitaal ka mid ah isbitaalada Soomaaliya.

Gabar da'deeda aan ku qiyaasay 11 sano jir ayaa waxay ka jabtay gacanta, lafta cududa ee ka sarrayso suxulka, waalidkeed wuxuu saaray kabniin soomaali, gacantii ayaa dhiigga ka xirantay, kadibne way qalfooftay, isbitaalka ayaa la geeyay, waalidkii waxaa lagula taliyay in gacanta la jaro maadaama kabka saarnaa gacanta uu dhiigga ka xiray, gacantana aysan nooleyn.
Gabadhii iyadoo aan loo sheegin waxa lagu samayn doono ama lagala hadlin ayaa gacantii laga gooyay inkastoo waalidka ay ogaayeen.

Gabadhii markii suuxdinta ay ak soo kacday ayay gacantii waysay, kadibne qeylo ayey ku dhufatay iyo qarracan iyadoo aysan filanin in gacanta laga goyn doono, gabadhii waxaa ku dhacay nooc waallida ka mid ah oo uu keeno dhaxtinta ama qaracanka la xiriira musiibooyinka ama waxa afka qalaad loo yaqaanno "PTSD".

Sheekadaan darteed ayaa waxaa igu soo dhacay, bal haddii ay takhaatiirta la socodsiin lahaayeen maadaama ay da'daas jirto waxna kala fahmi karto in gacateeda la goyn doono, haddii aanan la goynin in dhib kale gaysan karto maxaa dhici lahaa?

Qodobkaan ku aadan la wadaagista warbixinta caafimaadka bukaankaaga, ugana jawaabtid su'aalaha uu qabo adigoo waqti ku filan siinaya, adigoo aanan dhibsanaynin su'aalihiisa badan ama aadan u arkaynin inuu ku yasayo ama aqoontaada uu ka shakisan yahay, run hadii aan u hadalno qaar badan oo ka mid ah takhaatiirteena waay ku liitaan arrintaan.

Bal akhristow taladaada ka dhiibo sidee u aragtaa, halkee sheekadaan ka qaldan tahay mise sidaan ayaad ku waafaqsan tahay takhtarkaan?.

Qodobo kale ayaa jiro oo dhowr ah oo ay takhaatiirteena badanaa looga sheegto oo aan uga hadli doono qoraalo ama doodo kale, baal maanta aan ka hadalno qodobka "Xiriirka Bukaanka iyo Takhtarka / Wadaagista Warbixinnada".


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Re: Dood Wanaag: Ceebaha Aanu Leenahay Haddii Aan Takhaatiir Nahay?
« Reply #1 on: October 21, 2014, 10:04:59 AM »
Salaan kadib, muddo badan ayaan ka maqnaa boggaan, waana ku faraxsanahay in aan mar kale ku soo laabto si aan uga dhiibto ra'yigayga sheekadaan naxtinta leh.

Midda ugu horaysa, gabadhaan dhibaatada gaartay waalidka iyo takhaatiirtaba qeyb ayay ka qaateen, waalidka oo marka horaba isbitaal aanan gaynin, kadib kabis soomaali la saaray, taasoo keenta in gacanta ay ka naafowdo.
Takhaatiirtii oo aysan ku soo dhicin amaba dhib aanan u arkin ay go'aankooda u sheegaan gabadha ama ugu yaraan waalidka dhalay kula taliyaan in gabadha ay al socodsiiyaan, waxaaba aniga is leeyahay in ay dhici karto in la yiri, halaga qariyo maadaama gacanta laga goyn rabo si aysan u nixin oo aan laga fakarin waxa ka dhalan doono markii la gooyo ka dib.

Intaa ka dib, hadii loo fiiriyo ethically, takhtarka qalad ayuu galay, haduu uu ka qariyay iyo haduu waalidka u xilsaarayba.
Sheekadaan waxaa laga yaabaa arin horay u jirtay oo soomaalida aaminsanayd oo ahayd in jabka xaafadaha lagu kabto ay ka roontahay si aanan lugaha ama gacmaha lagaaga goynin hadii isbitaal aad tagto waa sheeko isla dhex maraan dadka kab soomaaliga isi saaro, meel ay ka timid ma sheegi karo, inkastoo ay dhici karto in sheekadaan iyo wax la mid ah ay ka qeyb qaateen faafinta warkaan qaldan.

Sidaa darteed waxaan kula talin lahaa takhaatiirta oo aan ku jiro aniga, in bukaanka la siiyo loona ixtiraamo ra'yigiisa lagana tashto go'aamada aan gaarayno, maxaa yeelay qofka dhibka soo gaarayo haddii qalad dhaco waa bukaanka ee ma ahan takhtarka.

Wadanka hadda ka ma jiro hay'ad korontoroosha howlaha iyo shaqada takhaatiirta oo la xisaab tanta hadii ay qalad ku dhacaan, hadii sheekadaan mid la mid ah ay ka dhacdo wadamada leh system caafimaad oo xisaabtan leh waxaa dhici karta in laga qaado sharciga shaqada ama maxkamad lagu soo ogoo, laguna soo dallaco lacago badan oo ganaax ah takhtarka ama isbitaalka uu ka shaqaynayo.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in ilaahay aan ka cabsano, howsheenana aan ku ciyaarin, sumcad xumo isku soo jiidin, bukaankane aan qiimeyno.

Wabillahi Tawfiiq.
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


 

Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 8426
Last post April 08, 2012, 05:44:04 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Haddii la isticimaalo kondhob datekiisu uu dhacay maxaa dhacaya?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7199
Last post April 06, 2012, 05:58:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haddii Aa Si Qaldan U Isticmaalo Daawo Caafimaadkeyga Ma Saameyn Kartaa?

Started by AbuJaasumBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9700
Last post May 19, 2012, 04:31:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haddii infakshan awgiis ilmo la waayo, maxaa talo ah?

Started by Mohamed12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6630
Last post April 25, 2015, 02:26:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Saliid macsarta haddii muddo meel taallo ma isbadashaa?

Started by Hassan45Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4341
Last post October 16, 2015, 12:32:49 PM
by SomaliDoc