Author Topic: Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)  (Read 118708 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)
« on: November 01, 2014, 03:27:22 PM »


Xabad sowdada waxay ugu horraysaa miraha laga helo caafimaadka, waxaana lagu daaweeyaa cudurro badan oo aan halkaan maanta ku xusi doono oo badankood tijaabo iyo cilmi baaris lagu arkay.

Horay ayaan uga hadalnay xabad sowdada guud ahaan, laakiin maanta waxaan diiradda saari doonnaa saliidda xabad sowdada.

Annagoo og, faaida diinteena ay ka sheegtay xabad sowdada ayaan waxaan rabaa maanta cilmi baaris ahaan waxa laga sheegay in aan idin la wadaago.

Xabad sowdada waxay ka mid tahay geedaha aad loo diraaseeyay oo dad badan wax ka qoreen, waxaana la qiyaasaa ku dhawaad in 300 ka badan oo diraasado kala duwan in lagu sameeyay.

Qaabka ay cudurrada u la dagaasho:
  • La dagaallanka infakshanka khaas ahaan cudurrada bakteeriyada ay keento.
  • Xoojinta difaaca jirka iyo ka sifeynta jirka sunta iyo waxyaabaha khatarta ah.

Xanuunada la arkay in ay daawo u tahay oo si dhakhso ah loogu bogsado waxaa ka mid ah:
  • Madax xanuunka
  • Ilko xanuunka
  • Hargabka iyo Durayga
  • Xanuunada dheefshiidka ku dhaco
  • Xanuunada lafaha
  • Neefta iyo Sanboorka
  • Xajiinta iyo Allerjiga
  • Sonkorowga / Kaadi macaanka

Waxaa kaloo la ogaaday in caadada dumarka ay u fududeyso, waxayna siyaadisaa caanaha hooyada ilmaha nuujiso.

Saliidda qaababka loo isticmaalo waa in la marsado ama la cabo iyadoo lagu qasan karo cabitaan kulu sida shaaha, caanaha ama cabitaan qabow sida juuska, waxaa kaloo lagu dari karaa biyo kulul, kadibna uumiga ka soo baxo ayaa la isku huurin karaa markii lagu daawaynayo cabburka, xiiqda iyo sanboorka.

Xanuunadaan aan kor ku soo xusnay sidee loogu daaweeyaa?
  • Neefta: Qaado buuxda oo saliid xabad sowdo saafi ah ku qaso koob coffee ah laba jeer maalintii, xabadkane marso habeen kasta muddo usbuuc ah, waxaa kaloo isku qiiqisaa uumiga adigoo ku dhibciya biyo kulul oo aad isku dabooshay. (baaritaan lagu sameeyay dalka malaysia waxaa lagu ogaaday in Neefta ay ku daaweeyeen qaabkaan aan kor ku sheegay.
  • Sonkorowga: Takhaatiir u dhalatay dalka India waxay sheegeen haddii Koob buuxa oo miraha xabad sowdada ah, koob haafkiis miraha geedka bagalka "watercress seeds" iyo koob haafkiis qolofta rummaanka "pomegranate peel", kadibne la isku shiido, kadibne qaado haafkeeda oo waxa shiidan ah lagu qasto qaado saliid xabad sowdo ah, subax kastane quraacda ka hor la isticmaalo muddo bil ah, waxay sheegeen in sokorta ay dajinayso oo qofka daawo kaga maarmi karo!!!
  • Sanboorka iyo Cabburka: Isku uumi ama isku qiiqi saliid xabadsowdada adigoo ku dhibicya biyo aad u kulul kadibna isku daboola illaa aad safiican ugu neefsatid.
  • Madax xanuunka: Madaxa foolka iyo dhinacyada oo lagu daliigo saliid xabad sowdada waxaa la ogaaday inuu u roonyahay madax xanuunka loo yaqaanno "Tension headache iyo Cluster headache", akhriso noocyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html
  • Murqo xanuunka: sidoo kale ku daliig meesha lagaa hayo, muddo 5 daqiiqo ah.
  • Xanuunada lafaha iyo Roomatiisamka: Sidoo kale takhaatiir shiinees ah waxay sheegeen haddii saliidda xabad sowdada la qandiciyo kadibne lagu daliigo xubinta ku xanuunayso illaa jirka safiican u gasho, kadibne hal qaado oo saliid xabad sowdada oo la cabo sedex jeer maalintii in ay daawo u tahay xanuunka roomaatiisamka "Rheumatoid Arthritis".
  • Ilkaha iyo Cirid xanuunka:Miraha xabad sowdada oo lagu kariyo Khalka "Vinegar", kadibna ku dar saliid xabad sowdo, subax kastane ku cadayso iyadoo cajiin camal ah.
  • Quumanka: Caruurta quumanka ku soo noqnoqdo, waxaa dhuunta loo mariyaa saliid xabad sowdo, habeen kasto markay jiifanayaan, subaxiina iyadoo shiidan ayaa afka laba far qaadkeed loogu shubaa, tan waxay ka hortagaysaa bararka iyo infakshanka quumanka.

Waxaa jiro xanuunno kale oo dhowr ah oo xabad sowdada lagu daaweeyo, dad badan oo tijaabiyayne way kuu sheegi karaan xanuun hayay oo ay kaga daawoobeen, taasi macnaheeda maahan in xabad sowdada cudurkii baaris lagu ogaaday kaliya in ay waxtar u leedahay.

Mida kale wax kasta miisaan iyo cabir ayay leedahay, haddii la iska badiyo saliid xabad sowdada way dhici kartaa in ay dhib kuu keento.

Haddii aad jeceshahay in aad ra'yigaaga ku aadan saliid xabad sowdada nagu biiriso ama su'aalo aad qabtid noogu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

Akhriso Saliido kale oo Caafimaad Leh:
Saliida Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html
Saliida Dhagayaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5320.0.html

http://www.somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Cabdalle78

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)
« Reply #1 on: August 16, 2020, 04:44:27 PM »
fadlan ila wadaaga link ga aad sheegteen inaad uga hadasheen guud ahaan faaidada xabadu sawdada


 

Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?

Started by XajikadiyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 11719
Last post October 31, 2016, 04:09:19 PM
by SomaliDoc
"HENNA" & its Medical Benefits (In Somali: Cillaan)

Started by MuslimDocBoard Islam and Medicine

Replies: 4
Views: 54446
Last post September 04, 2011, 10:55:58 PM
by CilmiSabca
Health benefits of date palm ( Timirta / AL-Tamr )

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 14116
Last post June 05, 2012, 11:24:07 AM
by Ahmed_07
Benefits of Drinking Water for Your Skin and body.

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 4
Views: 29003
Last post August 18, 2012, 10:30:38 AM
by Jimjordan365
Major Health Benefits of Eating Bananas

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 7885
Last post August 04, 2012, 05:39:12 AM
by Ahmed_07