Author Topic: Su'aal: Waa maxay Thrombocytopenia?  (Read 5800 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hamda84

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay Thrombocytopenia?
« on: January 25, 2015, 01:42:18 AM »
asc dhamaan dhakhatirta sharafta leh waxan waydiinayaa ama aan rabaa in ay iga cawiyaan 2   xanuun ayaan qabaa  oo anan garanyn wax yabaha ay yahiin ama ay    keena  markaa waxan rabay maxaan sameyaa   maxay se ku yahiin khatar naftayda wakuwan xanuununadiina TROMBOCYTOPENI OCH NEUROLOGEN 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Thrombocytopenia?
« Reply #1 on: January 25, 2015, 12:21:30 PM »
Thrombocytopenia, waa xaalad ay unugyada jirka u qaabilsan xinjiroobista ee loo yaqaanno "Platelets" ay jirka ku yaraadaan.
In ay jirka ku yaraadaan waxaa keeno cudurro aad u badan oo kala duwan waxaa dhici karto in unugyada laftirkooda ay cilladaysan yihiin ama dhuuxa lafta uu soo saari la'yahay intii laga rabay ay jiraan xanuun jirka ku jira oo burburinaya unugyadaan ama in aad jirka u isticmaalayo ama in aad qaadanaysid daawooyin yareeya unugyadaan iyo cudurra kale oo halkaan lagu soo koobi karin.
Haddii jirka unugyadaan ku yaraadaan waxaa ku dhici karo cudurka loo yaqaanno "Xinjiroobis la'aanta" oo qofka dhiigbixi karo ama dhiigga oosan si sahlan u istaagi karin.
Haddii takhtar kugu arko in unugyadaan kugu yaryihiin waa qasab inuu baaro oo helo cillada khaas ahaan haddii ay aad u yaryihiin, ma ahan xaalad sidaa looga aamuso waa in dabagal lagu sameeyaa.

midda labaad ma ahan xanuun ee waa magaca takhtarka ku taqasusay xanuunada neerfaha ku dhaco, kuwaasoo iyagane aad u badan ee haddii aad rabto in aad wax ka ogaatid waxa neerfaha uu yahay halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html

Fadlan la xiriir takhtarka kugu sheegay xanuunka haduu uusan ku sii baarin ama faahfaahin kaa siinin cillada 'thrompocytopenia'.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hamda84

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: xanuun
« Reply #2 on: March 07, 2015, 11:23:24 PM »
sc waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa doctarada u huray dadkoda wakhtiga qaaliga ah ilahay a ka abaal mariyo aad iyo aadna way u badan sanyahiin dhamantodba waxan rabaa kadib in hal xanuun la iga  siiyo fah faahin ama wax yalaha keena iyo dhibka uu leeyahay insha lh xanuunkiina wakan Hematologist

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Thrombocytopenia?
« Reply #3 on: March 14, 2015, 03:22:02 PM »
Hematologist ma ahan xanuun ee waa takhtarka ku taqasusay xanuuanda ku dhaco dhiigga, sida dhiig yarida noocyadeeda kala duwan, kansarka dhiigga ku dhaco, cillad xinjiroobis la'aanta dhiigga iyo xanuuno kale.

Sida aad tilmaantay haddii aad qabtid "thrombocytopenia" waxaad u baahan tahay in aad aragto takhtar "Hematologist" ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66512
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69531
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62453
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46726
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44978
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc