Author Topic: Su'aal: Hoormoonada jirka oo qaldan iyo cadada oo warersan?  (Read 5256 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Shaxshaxleey

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hoormoonada jirka oo qaldan iyo cadada oo warersan?
« on: March 16, 2015, 10:39:53 AM »
Asc waan idin salaamay dhaqaa tirta iyo umada somaliyed oo somali.doc ku xiran inay wax ka faa ii daystan  dhaqatirtana waan u mahad celin caadada ayaa iga warer san sida  aan naas nuujinta u joo ji yay 2 bil bay iga maqned  wan helay hadana labo kalan la ahay hada  dhaqtar oo iskan jirka dhana isaray  hoormuunada ayaa kaa qaldan buu i dhahay balse daawo ayaan ku sin buu i dhahay herbal ka samaysan ana waan ka cab sada dawooyinkaas marka sikale oon ku saxi karo ama   wax tala hada ii haysan ii so gudbiya fadlan hooyo ayana ahay dadayda waa 24   cayilka se saamayn maku leeyahay  hoormuunada jirka  wan cayil nahay   wax dhibaata oo kalese hoormunada qaldamay ma ii kenayaaan mahadsanidiiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hoormoonada jirka oo qaldan iyo cadada oo warersan?
« Reply #1 on: March 21, 2015, 01:29:43 PM »
Sida caadiga ah, uurka iyo naas nuunjinta waxay badalaan heerarkii hormoonada jirkaaga uu ahaa inta aadan uur yeelan ka hor.

Badanaa way dhacdaa in aad dareento caado wareer, caadada oo badan ama caadada oo yar ama in ay kaa soo daahdo, intaba waa suura gal markaa joojisid naas nuujinta waana arrin dabiici ah oo uma baahna in aad ka walwashid.

Fadlan dhowr bilood sii inta ay hormoonadaada ka saxmayaan oo dabiici ku soo laabanaysid, maxaa yeelay hormoonkaaga inuu sidii hore ku laabto waqti ayuu u baahan yahay maadaama jirkaaga uu la qabasaday heerar hormoon oo ka duwan sidii hore inta aad uurka lahayd oo dhan iyo intaa naaska nuujinaysay cunugaaga.

Kullamaa mudada aad naaska nuujisay ay dheertahay, kullamaa sixitaanka heerarka hormoonada ay waqti dheer u baahato.

Haweenka isku mid ma ahan qaar ayaa iyagoo naas nuujinaya, caadadoodii si sax ah u helo, qaarna wayba waayaan, qaarne wuu ka qaldamaa laakiin wuu ku dhacaa, qaar ayaa bilaha dambo naas nuujinta helo.

Marka ha walwalin, jirkaaga sii muddo dhowr bilood oo ku filan inuu hormoonadiisa isa saxaan.

Haddii aad dareensan tahay in aad takhtar la xiriirtid, fadlan la xiriir takhtar aqoon u leh xanuunada haweenka.

halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Walal qoorta infection maku dhacaa ? Hadii uu ku dhacase dhibato ma ukeena jirka kale waa maxase cal

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20956
Last post February 18, 2011, 08:44:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31663
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib igu haaya kuleyl dareen kulul leh oo jirka oo dhan?

Started by DargaayBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12778
Last post April 14, 2011, 07:15:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kor cuncun waliba jirka dhan gasatan naaasaha?

Started by NehaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12262
Last post February 06, 2016, 03:31:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19026
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc