Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: xadanto kilkilooyinka ah?

(1/1)

Somali_Nabad:
Marka hore waxaan si wayn u salaamayaa dhakhtarada sharafta leh ee website-kan maamula 'www.somalidoc.con' intaa ka bacdi waxaan dhakhtarka si xushmad leh uga codsanayaa inuu arrintan ila eego oo wixii talo iyo maarayn ah uu ii sheego.
Su'aashuna waxa weeye;
Diktoor waxaan dareemaa markasta oo dhibaato igu haysa Xadanto (xadxanto) kilkilooyinka ah, khaasatan markaan seexdo oo waxa dhacda in aan habeenkii inta hore oo dhan is rog rogo aniga oo maryaha kilkilada igaga dhow oo dhan dhibsanaya oo uga xadantoonaya sidii in qof i kilkilaynayo...

Arrintanina waxay i haysatay ilaa 2012 waa muddo sadex sano ah. Waxaana is idhi waxan dhakhtar uma sheegi kartide maxaad yeeshaa, waaba intaasoo lagu fahmi waayaaye!,

laakiin maanta waxaan is idhi wixii aad qarsataaba way ku qarsadaane bal dhakhtarada u sheeg. ???

SomaliDoc:
Dareemidda xadxato jirka meel ka mid ah ama dareemid in jirka hawo ama wax kaa taabanayaan aanan jirin waa cillad ku aadan neerfaha u qaabilsan dareemaha, way dhacdaa haddii cillad gaarto neerfaha quudiyo meesha aad ka dareemayso xadxatada inay keenayso.

Sida aad tilmaantay haddii aad ka dareemayso kilkillada, cillada neerfaha waxay ka imaan kartaa garabka ku aadan ama qoorka dhinaca kilikisha xiga, haddii ay jiraan jug garabka kaa gaartay ama gacanta oo kaa kala baxday hadda ka hor ama wax culus aad qaaday sida xilliga gym-ka oo kale.

Hubi in aysan jirin isbadal maqaarka kilkisha ah, barar ama kuus ka soo baxay ama cillado kalaba, haddii intaasba aysan jirin la xiriir takhtar xagga neerfaha khaasatan haddii ay jirto taariikh hore oo jug ama sabab ka mid ah sababaha aan soo tilmaamay.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.

Somali_Nabad:
Thanks

Navigation

[0] Message Index

Go to full version