Author Topic: Su'aal: Karootada ama daba-casta indhaha faa'ido ma u leedahay?  (Read 49487 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raanow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
karootada ama daba-casta indhaha faa'ido ma u leedahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Karootada ama daba-casta indhaha faa'ido ma u leedahay?
« Reply #1 on: May 02, 2015, 11:41:22 AM »


Karootadu waxay ka mid tahay cunnooyinka ay soomaalidu taqaano, lagana helo dhulkooda, karootadu waxay leedahay faa'idooyin badan oo aan ahayn kaliya in aragga ay wax u tarto, waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr cudur oo karootada ka hortag ahaan loogu qaato:
  • Kolestaroolka: Diraasad lagu sameeyay dad qaba cudurka kolestaroolka oo ku nool dalka ingiirska waxaa ka soo baxday in heerka kolestaroolka uu hoos u dhacay boqolkiiba 11% markii ay qaateen in ka yar rubac karooto ah maalin kasta muddo sadax usbuuc ah, sidaas awgeed haddii xanuunkaan lagugu sheegay ama aad halist ugu jirtid, ku dadaal cunista karootada si aad uga maarantid daawo, wax ka baro cudurka Kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html
  • Caafimaadka Wadnaha: Diraasad ay sameeyeen cilmibaarayaal u dhashay dalka Sweden waxay soo daabaceen qoraal ka hadlayo sida ay karootada uga hortagto cudurrada wadnaha iyagoo isbarbardhigay dadka joogteeyo karootada iyo dadka aanan qaadan, akhriso qoraal ku saabsan wadna qabadka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html
  • Dhiig-karka: Karootada waxaa ka buuxo maado loo yaqaano "Potassium", waxay jirka u tartaa inay waasiciso xididada dhiiga khaasatan markuu cadaadiska dhiigga uu kaco, waxaa kaloo karootada ku jiro maado kale oo loo yaqaano "Coumarin" oo iyadane cadaadisak dhiiga kontaroolkisia ka qeyb qaadato, haddii dhiigkarku kugu cusub yahay, isticmaal karootada maalin kasta oo joogteey adigoo cadaadisak dhiigaagane cabira si aad u ogaato waxtarkeeda, akhriso qoraal aan uga hadlay dhiig-karka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,467.0.html
  • Difaaca jirka: Karootadu waxay ka mid tahay cunnada difaaca jirka sare u qaado, taasoo firfircooni ku abuurto unugyada cadcad ee jirka ka difaaco caabuqa noocyadiisa kala duwan, akhriso qoraal ku saabsan Unugyada cadcad iyo waxay ay jirka u taraan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1754.0.html
  • Dheef-shiidka: Sida cagaarka oo kale ayay karootada u wanaajisaa dheefshiidka iyo shaqada caloosha iyo mindhicirrada qofka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, taasoo yarayso halista baabasiirka, akhriso qoraal ku saabsan dheefshiid xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html
  • Kansarka: Karootada waxaa ka buuxo maado la yiraahdo "Beta-carotene" maadadaan waxay yaraysaa halista kansarada khaasatan kansarka sambabka, waxaa la arkay haddii qofka maadadaan uu ka qaato 2.7 milligram maalin kasta inay yaraynayso halista kansarka boqolkiiba 40% markii lagu tijaabiyay dadka sigaarka aad u cabo, cilmibaaris kale waxaa lagu arkay inay yarayso halista kansarka malawadka ku dhaco, taasi waxay na tusinaysaa in karootadu ay faa'ido ka hortag oo aad wayn in ay leedahay haddii la joogteeyo.
  • Aragga iyo Caafimaadka Indhaha: Karootada waxaa ku jirto maaddo la dhaho "beta-carotene" oo indhaha faaido ugu jirto oo siyaadiso awoodda aragga.
    Markii karootada la cuno, maadadaas waxaa la geeyaa beerka, kadib beerka wuxuu u badalaa Vitamin A, kadib Vitamin A-ga waxay ishu u sii badashaa maadada muhiimka ah ee isha u baahan tahay oo loo yaqaano "rhodopsin" waana maadada u qaabilsan aragtida midabka.
    Maadada "beta-carotene" waxay kaloo ka hortagtaa dhaawaca sonkorta isha ay gaarsiiso iyo caadka indhaha fuulo.
    Karootadu waxay kaloo ka hortagtaa daawane u tahay xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaano "Macular Degeneration", cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo.
  • Caafimaadka Ilkaha: Karootadu waxay kordhisaa calyada, waayna la dagaallantaa bakteeriyada afka ku dhalato, sidaasne waxay ku yaraysaa suuska iyo bololka ilkaha.
  • Faaliga / Storke: Waxaa la yiraahdaa karootada oo maalin walba la cuno waxay yaraysaa halista faaliga boqolkiiba 68%, sababtuna waa maadada aan kor ku soo tilmaamay ee "Beta carotene" oo maskaxda u roon, akhriso qoraal aan uga hadlay xanuunka Faaliga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
  • Macaanka / Sokorowga: Karootadu waxay kontarooshaa heerka sonkorta ee dhiigga, waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulinta, khaasatan waxaa lagula taliyaa dadka sokorta ugu isticmaalayo daawo ahaan in ay shiitaan oo juus ama cabitaan ahaan u cabaa iyadoo sokor lagu darin.

Waxay karootadu waxtarkeedu badan tahay inta aan la karin, sideeda ayaa loo cuni karaa ama waa la shiidan karaa oo cabitaan ahaan ayaa loo cabaa.

Akhriso Faa'idada Qumbaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6702.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23656
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig bilig ka siiyo?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7908
Last post June 26, 2017, 10:06:28 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Shahwadayda burqo burqo ayay leedahay?

Started by Yahye1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 45187
Last post September 18, 2019, 12:46:48 AM
by Yahye1
Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15255
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11664
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc