Abdi sida ka muuqato cabashadaada muddo ayaa soo xanuunsanayd.
Talada ugu fiican waa in aad dhakhtar safiican kuugu fasiro waxa ku haya ama waxa aad dareemaysid in aad heshid oo awood u leh in uu ku wiisiteeyo ama jirkaaga baaro, kuuna diro wixii kaloo baaris dhiig, saxaro ama qalab sawir noocuu ahaadaba.
Cabashadaada waxay u badan tahay dhinaca caloosha sida aan dareemayo, waxaa dhici karto in hal xanuun in ay tahay oo astaamahaas wada leh ama dhowr xanuun oo kala duwan, cabashadaada kaliyane laguma sheegi karo.
Waxaa dhici karto gaaska laftirkiisa in uu astaan u yahay xanuun ama isagaba uu keenay waxa aad dareemayso.
Haddii aan isku dayo in aan cabashadaada isla xiriiriyo waana qaldanaan karaa, mana kaga maarmi kartid aragti dhakhtar.
Haddii aad leedahay welwel, dhidid badan, gaajo, miisaankaaga oo hooseeyo, gaas iyo cunnada oo jirkaaga ka faaidaysanayn ama saxarada aad tilmaantay ee cagaarka ah waxaa loo fasiri karaa, haddii ay jirto cilald kansanaan dareenkaaga jirka waxuu ka dhalan karaa haddii cillad xagga neerfaha ma dheecaannada jirka sida hormoonnada in ay jiraan, waxaa intaa sii raacsan hurdada oo laga soo naxo ama hrudada oo haddii aad ka soo toostid ku laaban karin ama hurdada oo aad ka soo toostid adigoo afka ku qallalan yahay ama wadnaha ku garaacmayo.
Haddii aad is ledahay qaabka aan kuugu tilmaamay way dhici kartaa oo ah welwelka iyo diiqada oo heer xanuun gaaray, waa in aad takhtarkaaga warbixinta sidaa ugu sheegtid ama takhtar kale oo xagga nafsiyaatka in aad aragtid.
Waxaa kaloo dhici karto in cilalda ay caloosha tahay oo xameetida ama beerka ay cillad ka jirto, taasoo gaas ahaan loo dareemi karo iyo caloosha oo aanan waqti ku filan siinin cunanda in la shiido oo si dhakhso ah xiidmaha waawayn ku soo dhaafo maadaama qarasta xameetida ay soo daysay aysan weli waxna shiidin, sidaasne saxarada loo soo raacsiiyo taasoo keenayso saxaro cagaar ah, waxaa la socon karo walwalka aad ka walwalsan tahay in kansar uu ku hayo way ka sii dari kartaa cillada oo gariirka iyo dhididka badane way keeni karaan.
Waxaan talo ahaan ku siin lahaa, welwelka iska yareey wixii eebe kuu qoray waayi maysid mana ka baxsan kartid, waxaa laga yabaa in aadan dhib wayn qabin oo aad welwelka iyo kacsanaanta dheecaannadaada jirka ay kaaga sii darayaan.
Haddii aad balwad leedahay jooji, iskuna day in dhakhtarkaaga aad u dareensiisid qaabka aad wax u dareemaysid, dhibka soomaalida haayo waa in aysan dhakhtarka u sheegin waxa ay dareemayaan iyo waxa ay ku fakarayaan iyo waxa ay damacasan yihiin.
Tani wax badan ayay ka caawinaysaa dhakhtarkaaga.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Haddii aad faahfaahin u baahan tahay ama su'aalo dheeraad aad qabtid waad na soo weydiin kartaa.
http://somalidoc.com