Author Topic: Su'aal: Maxa keeno jareeyska hurdada kahor?  (Read 5804 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxa keeno jareeyska hurdada kahor?
« on: May 07, 2015, 01:30:10 PM »
Asc walaalahayga is xilqaamay alle ha idinka  abaal mariyo wanaagiina  waxan igu dhacay wax gastarik u ek lkn aanan weli tubada la igalin oo balanta ayaa dheer ana buufis ayaanba nolosha ka qaaday walaac iyo welwel habeenkii marka aan sariirta tago ayaan dareemaa giriir ama jareeyn xaBadka ka hoos ilaa caloosha labada dhinac markaan u jiiftana waaba ugu daran yahay marka aan barkimo derbiga kula jiifto oo aan kor isu qaado waan ka roonaadaa dhaqtarkayga ayaan la xiriiray in mudo ahna waan ka sheeganayay inkastoo gaalasaan eeysan ahmiyad baan iska kaa siineeyn dhaqtar taqasus ahna ma aadi kartid ilaa dhaqtarkada kuu sii gudbiyo mooyee waxan kaloo dareemaa madax wareer badan oo mararka qaar aad moodo in dhinacyada wax ku socdaan ama halmar cirbad juq lagugu siinayo marka wuxuu igu dhahay jareeynta iyo wareerka waa nerfo dhaqtar nerfo ayuu hada ii diray tan kale saxaradeeyda waa cagaar sidii qof geedo cunay taasna shaki ayeey igu beertay ah amaa cancer caloosha kaa galay madama aan in mudo ah gastarik wax u eg ka soo cabanaayay  gacmaha waan ka dhididaa iyo lugaha mana lahaan jirin wadnaha xoogaa inuu i xanuunayo marmar ayaan moodaa lkn ayaga waxay igu dheheen waa muruq waxan kaloo leeyahay spinal cord dhabar xanuun labada garab dhexdooda ayeeyna iiga taalaa xabadka wuu i xanuunaa marka walalaheeyoow talo isiiya




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxa keeno jareeyska hurdada kahor?
« Reply #1 on: May 11, 2015, 02:09:49 PM »
Abdi sida ka muuqato cabashadaada muddo ayaa soo xanuunsanayd.
Talada ugu fiican waa in aad dhakhtar safiican kuugu fasiro waxa ku haya ama waxa aad dareemaysid in aad heshid oo awood u leh in uu ku wiisiteeyo ama jirkaaga baaro, kuuna diro wixii kaloo baaris dhiig, saxaro ama qalab sawir noocuu ahaadaba.

Cabashadaada waxay u badan tahay dhinaca caloosha sida aan dareemayo, waxaa dhici karto in hal xanuun in ay tahay oo astaamahaas wada leh ama dhowr xanuun oo kala duwan, cabashadaada kaliyane laguma sheegi karo.

Waxaa dhici karto gaaska laftirkiisa in uu astaan u yahay xanuun ama isagaba uu keenay waxa aad dareemayso.

Haddii aan isku dayo in aan cabashadaada isla xiriiriyo waana qaldanaan karaa, mana kaga maarmi kartid aragti dhakhtar.

Haddii aad leedahay welwel, dhidid badan, gaajo, miisaankaaga oo hooseeyo, gaas iyo cunnada oo jirkaaga ka faaidaysanayn ama saxarada aad tilmaantay ee cagaarka ah waxaa loo fasiri karaa, haddii ay jirto cilald kansanaan dareenkaaga jirka waxuu ka dhalan karaa haddii cillad xagga neerfaha ma dheecaannada jirka sida hormoonnada in ay jiraan, waxaa intaa sii raacsan hurdada oo laga soo naxo ama hrudada oo haddii aad ka soo toostid ku laaban karin ama hurdada oo aad ka soo toostid adigoo afka ku qallalan yahay ama wadnaha ku garaacmayo.

Haddii aad is ledahay qaabka aan kuugu tilmaamay way dhici kartaa oo ah welwelka iyo diiqada oo heer xanuun gaaray, waa in aad takhtarkaaga warbixinta sidaa ugu sheegtid ama takhtar kale oo xagga nafsiyaatka in aad aragtid.

Waxaa kaloo dhici karto in cilalda ay caloosha tahay oo xameetida ama beerka ay cillad ka jirto, taasoo gaas ahaan loo dareemi karo iyo caloosha oo aanan waqti ku filan siinin cunanda in la shiido oo si dhakhso ah xiidmaha waawayn ku soo dhaafo maadaama qarasta xameetida ay soo daysay aysan weli waxna shiidin, sidaasne saxarada loo soo raacsiiyo taasoo keenayso saxaro cagaar ah, waxaa la socon karo walwalka aad ka walwalsan tahay in kansar uu ku hayo way ka sii dari kartaa cillada oo gariirka iyo dhididka badane way keeni karaan.

Waxaan talo ahaan ku siin lahaa, welwelka iska yareey wixii eebe kuu qoray waayi maysid mana ka baxsan kartid, waxaa laga yabaa in aadan dhib wayn qabin oo aad welwelka iyo kacsanaanta dheecaannadaada jirka ay kaaga sii darayaan.
Haddii aad balwad leedahay jooji, iskuna day in dhakhtarkaaga aad u dareensiisid qaabka aad wax u dareemaysid, dhibka soomaalida haayo waa in aysan dhakhtarka u sheegin waxa ay dareemayaan iyo waxa ay ku fakarayaan iyo waxa ay damacasan yihiin.
Tani wax badan ayay ka caawinaysaa dhakhtarkaaga.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Haddii aad faahfaahin u baahan tahay ama su'aalo dheeraad aad qabtid waad na soo weydiin kartaa.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162314
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64489
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Dawooyinka been-abuurka ah ee Somalia la keeno iyo dhibta ay geystaan (DHAGEYSO)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 10093
Last post May 07, 2011, 02:42:11 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14413
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15407
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc