Author Topic: Su'aal: Hurdada maalintii ma looga maarmaa mida habeenka?  (Read 30243 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Cali Asaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hurdada maalintii ma looga maarmaa mida habeenka?
« on: May 21, 2015, 02:56:25 AM »
Asc doctors, salaan ka dib habeenkii waan shaqeeyaa ma seexdo  maalintii ayaan sexdaa hurdo igu filan 8hrs camal waliba jawi degan baan ku seexdaa, marka waxaan rabaa inaan ogaado hurdada habeenkii ma qasab baa oo aan laga maarmi karin mise hurdada maalinti weey dabooli kartaa hurdada habeenka hadii waqti kugu filan aad seexato  iyo jawi degan? Tnks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdada maalintii ma looga maarmaa mida habeenka?
« Reply #1 on: May 23, 2015, 04:04:31 PM »


Hurdada maalintii marnaba  loogama maarmi karo hurdada habeenkii xitaa  haddii aad jiifatid saacado kugu filan, jawiguna uu dagan yahay.

Sababtuna waxay tahay in qaabka bini'aadanka alle u abuuray uma samaysno in hurdada maalintii u ka heli karo caafimaad sida tan habeenkii uga heli karo, maxaa yeelay eebe wuxuu habeenka ugu talagalay in jirku uu dhasto maadaama dheecaano jirka la soo daayo xilliga habeenkii ay arrintaas ka qeyb qaataan, mana ahan wax isbadli karo haddii aad hurdada u wareejisatid maalintii, waana sababta ay dhakhaatiirta uga digaan inuu qofka si joogto ah shaqo u galo habeenkii, maadaama taasi ay khilaafsan tahay hab nolol-kaagii dabiiciga aha ee eebe kuugu talagalay.

Aqoon yahannada waxay ku macneeyaan in jirka samaysankiisa uu alle ku qaabeeyay xilliyada isbadalka habeenka iyo maalinta.
Xittaa haddii aad jawiga habeen ka dhigato oo mugdi aan buuq lahayn oo shanqar lahayn aad jiifsatid weli jirkaagu wuu ka warqabaa inaysan habeen ahayn!!.

Sidaa awgeed waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in xilliyada shaqada habeenkii iyo maalinkii la isku badalo, waxaan arkay dadka habeenkii kaliya shaqeysto oo muddo saa ku noolaa in ay ka stress badan yihiin dadka kale, ka madax xanuun badan yihiin, kana dulqaad yar yihiin, halista ay u qabaan xanuuanda wadnaha ay kaga nugul yihiin dadka habeenkii hurda. Waxay baaritaanada qaar sheegaan in dadka joogtada aanan u hurdin habeenkii in halis ugu jiraan cudurradaan: buurnida, sonkorowga, dhiigkarka, wadna xanuunka, caado wareerka iyo kansarada qaar ka mid ah.!!.

Waxaa jiro cilmibaaris dhowr ah oo arrintaan lagu sameeyay oo kulligood ka soo horjeeda shaqada joogtada ah ee habeenkii.

Akhriso dhibaatada Dhafarka:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa keena kabaayo marka hurdada laga soo kaco?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6190
Last post May 20, 2015, 02:43:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuunka lala soo kaco hurdada kadib?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8622
Last post October 19, 2016, 07:14:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hurdada markaan ka soo tooso margiyada ayaa i xanuuna?

Started by Mumtaz MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6856
Last post November 04, 2016, 06:14:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hurdada oo laga soo tooso gacantoo aan dareen lahayn?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28030
Last post November 18, 2016, 08:48:17 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waan ka daahaa hurdada markaan furaashka tago?

Started by MiraafBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3257
Last post September 17, 2017, 05:09:08 PM
by CilmiSabca