Author Topic: Su'aal: Uurjiifka wiilka ama gabadha ah ma la kala fahmi karaa?  (Read 44776 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Umu caaisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
Su'aal: Uurjiifka wiilka ama gabadha ah ma la kala fahmi karaa?
« on: February 09, 2016, 11:46:06 AM »
Asc salaan kadib dr waan kusalaamakusalaama .laba su.su.aal iga jaahil bixi..waxan maqlaa wax layiraa .....isgudubsi...oo ah naagta hadee gabar dhasho ee  uur hadana qaado ee culees iyo calool weyn. Leedahay  lugaha ee cuslaadan. .waxawaxay dadka qaar yiraadaan ...isgudubsi. ...aa wadaa .maadaama aad gabar horay u dhdhashay hada wiil aa sidaaa? ....su.su.aasheeda labaad. .... maamoyinka wexee dhahaan naagta hadee ayadoo uur leh. .ee hurdo badantahay wexe dhaleee gabar. .foosha gabar iyo wiil wee kale kululyihiin oo wiilka gabadha waa ka fool kululyahay ;D




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Uurjiifka wiilka ama gabadha ah ma la kala fahmi karaa?
« Reply #1 on: February 14, 2016, 02:20:18 PM »



Hooyo kasta way jeceshahay in ay ogaato waxa uurka ugu jiro, sidaas awgeed waxyaabo badan oo khuraafaat ah ayay hooyooyinku iska dhaadhiciyaan, qaar badan oo ka mid ahne waxay noqdaan waxyaabo la aaminsan yahay, mana ahan waxyaabo noo gaar ah anaga, oo aduunka meel walba, way ka jiraan khuraafaatka noocaan ah.
Waxyaabaha ugu badan ee la aamisan yahay waxaa ka mid ah sida aad tilmaantayba:
  • Is-gudubsiga: waxaa laga yaabaa dhowr xaaladooda oo sidaas in la arkay laakiin taasi ma noqon karto rule ama qaacido wax lagu dhisan karo mar kasta, ilmaha sida isugu xigxigaan alle ayaa og, sidaas awgeed wax cilmi ahaan sax ah maahan arrintaan.
  • Wallaca lala jirrado: hooyooyin aaminsan ayaa jiro, haddii ay gabadh wado in ay aad u wallacdo, laakiin inkastoo arrintaan sidaas marar badan la arko laakiin ma ahan wax lagu dabaqi karo haweenka oo idil, waxaa jiro haween aad ugu wallaco wiilasha, marka ma ahan qiyaas saxan ama wax cilmiyeysan.
  • Cunista badan: waxay hooyooyika qaar aamisan yihiin haddii ay hooyadu cunno cunisteeda ay badato xilliga uurka in ay wado wiil, iyadane ma ahan wax jira.
  • Hurdada badan: haddii ay hooyadu hurdo badan tahay in ay gabar wado ma ahan mar waliba, taasi waa khuraafaat kale.
  • Dhaqdhaqaaq badan: waxaa kaloo jiro dad aaminsan in uurka wiilka uu ka dhaqdhaqaaq badan kan gabadha, iyadane waa qiyaas iyo u fiirsasho wax ku yimid laakiin ma ahan arrin sax ah oo jirto.
  • Weynaanta caloosha: hooyooyin aaminsan ayaa jiro haddii caloosha qeybta kore u weyn tahay in ay gabar wado, haddii caloosha qeybta hoose ay u wayntahayne in ay wiil wado, iyadane ma ahan wax cilmiyeysan ama caafimaadka uu qabo.
  • Jamashada uurka: haddii ay hooyadu ku wallacdo waxyaabo dhadhaan ah waxay sidaa wiil, haddii wax macmacaan ku wallacdane waxay sidaa gabar, tanane ma ahan wax sax ah, hooyooyin badan ayaa aamisan.
  • Fool kuleylka: hooyooyin qaar baa aamisan in wiilku uu ka fool kulul yahay gabadha, taasina ma ahan wax sax ah ee waa caado la aamisan yahay.

Intaas waa inta ugu badan, waxaa jiro waxyaabo kale oo tiro badan waxaa ka mid ah, haddii ay hooyadu laabjeex ku waalato xilliga uurka in ay dhalin doonto cunug timo badan leh iyo kuwa kalaba.
Akhristow, maxaa kaloo khuraafaat ama caado dhaqameed ayaa maqashay oo ay hooyada uurka leh aamisan tahay oo aan halkaan ku xusin.

Akhriso qoraal ku saabsan wallaca: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan Jamashada Uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2602.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: