Author Topic: Weynaynta ama dheeraynta xubinta ragga, ma xal baa?  (Read 231166 times)

0 Members and 12 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Weynaynta ama dheeraynta xubinta ragga, ma xal baa?
« on: July 03, 2015, 07:47:10 PM »


Anigoo ka jawaabayo dhowr su'aalood oo ku saabsan in xubinta ragga la dheerayn karo ama la weynayn karo, waxaan jeclahay in aan marka hore xasuusiyo akhristayaasha in wax kasta oo internetka lagu soo daabaco in aysan run u qaadanin, waan ognahay in internetka ay ka buuxaan kumanaan xayeysiin oo ka hadlayo sida loo xoojiyo ama loo weyneeyo xubinta ragga iyagoo ka hadlayo kaniiniyaal, kareemyo la marsado ama qalab lagu dheereeyo ama qalliin lagu sameeyo kadibne qofka uu sidii uu rabay uu noqonayo iyadoo wax dhib ah uusan la kulmin!!!.

Laakiin arrintaasi maxaa ka jiro?

Marka hore wax kasta oo jirka muuqaalkiisa badalo ha ahaato xubnaha taranka ama jirka meelo kale oo ka mid ah sida naasaha, barida, caloosha iyo wajiga, waa qasab in waxyeello ay ka dhalato muuqaal badalkaas kuwaas oo kala darnaan karto, waana muhiim qofkii ku fakaro arrimahaan oo kale inuu ogaado waxa ay diintu ka qabto.

Rag badan ayaanan ku qanacsanayn cabbirkii ama qiyaastii eebbe ku abuuray xubnahooda taranka, kuwaas oo aad u raadiyo siyaabo kala duwan oo ay wax ku badali karaan.
Kuwaas oo badankood ku dhaca dabinta shirkadaha sida beenta uga macaasho daaweynta cabashadaas.
Waxaa lagu qiyaasaa in shirkadahaas sanadkiiba ka faa'idaan daawooyinka kobcinta ragannimada dhowr boqol oo million oo dollar.

Baaris la sameeyay ka dib waxaa la ogaaday in dadka cabashadaan muujinaya markii 3 qeyb loo qeybiyo in labo ka mid ah aysanba cilladaan aysan qabin laakiin iyaga aaminsan in cabirka ama dhirirka xubintooda inuu gaaban yahay, sidaa awgeed waxaa habboon in aad takhtar la xiriirtid inta aadan isticmaalin wax daawo ama qalliin lagu dheereynayo xubintaada.

Waa muhiim in qofka uu ka qanco arrintaas si aysan saameyn ugu yeelan xagga dareenkiisa iyo ragannimadiisa, iyadoo ka qeyb qaadan karto in qofka ay ku dhacdo diiqo / niyad jab ama xanuun maskaxeed.

Waxyaabaha sida dabiiciga aad u samayn karto si aad u ogaatid cabbirka saxda ee xubintaada waa:
  • In aad xiirtid tinta bisqinta / shuunka, maxaa yeelay tinta badan waxay u ekeysiisaa xubinta inay gaaban tahay.
  • Haddii aad cayilan tahay isku day in aad miisaanka dhinto, maxaa yeelay caloosha iyo dufanka ka hooseysaba waxay u ekeysiiyaan xubintaada inay gaaban tahay.
  • Ku dadaal caafimaadkaaga guud, samay jimicsi joogto si aad niyadda kuugu dhisanto oo aad ugu ekaatid qof soo jiidasho leh, taasoo oo ka qeyb qaadan karto in kalsoonida ay kuu siyaaddo, maxaa yeelay waxaa la ogaaday dadka arintaan ku welwelsan sababta ay xal u raadinayaan in ay tahay si ay u heli lahaayeen kalsoonida ka maqan.

Ma jirto cunto u gooni ah kobcinta xubinta ragga oo loogu tala galay in ay weynaysiiso ama dheerayso, jimicsagane waa sidoo kale.

Intaa ka dib waxaan mid mid uga hadlayaa faa'idada iyo dhibaatada kala duwan ee laga filan karo siyaabaha wax logoa badalo xubinta taranka.

A - Kaniiniyada iyo Kareemyada: Kuwaan badanaa waxaa la sheegaa in ay ku jiraan fitamiinno, macdan, daawo dhireed iyo hormoonno kuwaas oo ay shirkadaha ku andacoonayaan in xubinta ay wayneysiinayso, inkastoo sheegashadaas ay ku guuleystaan in ay dad badan ka dhaadhiciyaan, haddane ma jirto wax caddayn ah oo ku dhisan cilmi baaris lagu ogaaday in faa'ido isbedel muuqaaleed iney keento, waxaa la ogaaday in qaar ka mid ah daawooyinkaas ayba dhib horleh u keeni karaan qofka, kuwaas oo markii la baaray lagu arkay: maadada sunta ah ee mercury-ga, waxyaabaha sunta lagu dilo cayayaanka, bakteeriyada loo yaqaanno E. coli iyo waxyaabo kale.
Professor Wylie oo ah nin ku taqasusay xanuunnada ku dahca xubnaha taranka wuxuu leeyahay: "wax isbedel dhirirka oo ay u keenayaan daawooyinkaan ma jirto, waxa kaliya uu qofka ka heli karaa in xubintiisa uu awal ka xishoon jiray ama niyad jab ka qabi jiray inuu barto ama ku hawlo markuu marinayo kareemyada taasoo oo xoogaa kalsooni inuu ka helo ama xishoodkii ama naceybkii xubintiisa u qabay inuu ka baaba'o ay dhici karto"!!

B- Qalabka lagu soo jiido xubinta taranka "vacuum": qalabkaan waa tubo lagelinayo xubinta kadibna hawada laga jiidayo si loo cadaadiyo, kan waxay keenaysaa qulqulka dhiigga xubinta soo galayo uu bato, kadibne dhiigga ku suu aruuro sidaasne uu ku bararo.
Markaa wuxuu u ekaanayaa inuu weynaaday taas oo ah mid kumeel gaar ah laakiin dhibka ka imaan karo ayaa ah in xubinta ay dillaaci karto ama kacsiga uu ka tagi karo qofka.
Shirkadaha qalabkaan gado ayaa kula taliyo ragga in ay maalin kasta dhowr daqiiqadood ay sidaa sameeyaan laakiin illaa iyo hadda lama hayo wax isbedel lagu arkay muuqaalka xubnahooda markii ay takhtar la xiriireen, dadkaas qaarkodo waxaa dhaawac ka soo gaaray neerfaha xubinta taranka iyadoo dareenkii dhan ka guuray.!!

C- Qalabka lagu jiido ama lagu dheereeyo xubinta taranka: Qalabkaan waa wax lagu xiro xubinta oo culees ku wato afka hore kaasoo xubinta hoos u jiido, iyadoo culeyskaas laga filayo inuu xubinta uu dheereeyo ama jiido markii muddo ku xirnaato, baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in isbedel la eg 1 cm oo dhirir ah inuu ragga qaarkiis ku siyaadiyay markii 6 bilood ay xirnaayeen qalabkaas, laakiin isagane wuxuu la mid yahay qalabka kore xagga dhibaatada, isbadalkaas aadka u yar ma ahan wax indhaha lagu fahmi karo ama la dareemi karo, sidaas awgeed markii la wareesto dadka isticmaalo waxay ka muujinayaan niyad jab iyo in aysan isbedel habo yaraatee aysan jirin, qaarkood waxay kala kulmeen in kaadida ay farabaxsato iyo in tubada ibta kaadida ay dillaacdo.

D- Gacan ku lisidda ama tuujinta xubinta taranka: tan waa mid aad ugu badan ragga iyagoo si joogto ah u lisa ama u jiida xubnahooda, middaan isbedel cabbirka ma keento laakiin waxay keentaa in xubinta ay kacdo taasoo u ekaanayso in cabbir ku darsoomay, qofkane niyadda u dhisto, laakiin isbedel joogto ah malahan.

E- Qalliinka lagu weyneeyo xubinta taranka: Qalliinkaan sida loo sameeyo waa in jirka laga soo gooyo dufan ama xeyr iyadoo lagu tolo xubinta si ay ugu ekaato inuu weyn yahay ama cayilan yahay, tani dhibka ay keento ayaa ah in meeshii laga jeexay xubinta haar yeelato oo markii xubinta ay kacdo kadkaduud iyo xanuun ama qallooc xubinta ay yeelato, marmarka qaarne caabuq ayaa ku dhasho meesha qalliinka ah, waxaa jiro qalliin kale oo xubinta lagu dhex tolayo wax cinjir ka samaysan si uu ugu ekaado wax wayn oo kale, laakin dadka loo sameeyo qalliinka noocaan ayaa ka muujiyo niyad jab, waxaa la sheegaa in dadka qalliinkaan sameeyo ay u bataan in ay isdilaan niyad jab awgiis!!!

F- Qalliinka lagu dheereeyo xubinta taranka: xubinta ragga waxaa jirka ku hayo seed dheer oo lafta bisqanta kula dhaggan, waa seedka xubinta kor u haya markuu kacsan yahay, qalliinkaan waxaa lagu gooyaa seedkaas kadibne xubinta horay ayay u soo dhacdaa oo way soo laalaadsantaa, waxayna u ekaataa inuu weynaaday laakiin dhibka ka dhasho ayaa ah in hadduu qofka kacsado in xubintii ay madaxa kor u qaadi wayso.
Ragga sidaan sameeyo ayaa galmada dhib ku qabo, kumana faraxsana qalliinka ay galeen iyagoo aanan ka fakarin waxa laga filan karo.

G- Qalliinka lagu saaro baruurta: waa qalliin lagu sameeyo caloosha hoosteeda iyo lafta bisqinta korkeeda si baruurta looga saaro uu qofkane u arko xubintiisa inay dheertahay ama dheeraatay, qallinkaan wax isbedel dhinaca cabbirka kuma samaynin xubinta laakiin qofkii ayaa aaminsan inay u dheeraatay, waana nooc kalsooni soo cesasho ah.

Dhakhaatiir badan waxay aaminsan yihiin dadka ay ka dhaadhacsan tahay in xubnahooda ay yaryihiin oo qasab ay tahay in ay wax ka badalaan ay u baahan yihiin inay la kulmaan dhakhtar xagga dhimirka ah si loo fahmo asbaabaha ku kallifayso iyo qaabka ay u fakarayaan iyo waxa ay damacsan yihiin inta aanan lagula talin wax qalliin ama daawo ah.

Talo:
Ragga ku dhiban arintaan waxaan kula talin lahaa marka hore in ay dhakhtar u tagaan oo ay ogaadaan in ay dabiici u tahay xubintooda iyo inay cillad ka jirto loogu sheego.
Midda kale xubin yarida kuma xirna in aad haweentaada uureyn karto iyo in kale, haddii aad aaminsan tahay in aadan uur u yeeli karin xaaskaaga mustaqbalka, iyadane in lagaa dhaadhiciyo ayay u baahan tahay ee takhtar la xiriir.
Midda xigta, haku fakarin in aad khilqadii iyo abuuristii ilaahay aad u badashid si aad kalsooni u dareentid, sida ka muuqato siyaabaha kala duwan ee arrintaan lagu xalliyo ama lacagaha looga sameeyo ma istaahisho in aad dareenkaaga iyo kacsigaaga ku waysid, oo sariirta dhibaato kala kulantid amaba aad la kulantid dhibaato cusub oo aadan horay u qabi jirin oo ka daran wixii aad ka cabanaysay.
Midda sadexaad waa talo ku aadan dhalinyarada aaminsan in cabbirka xubinta laga rabo qiyaas go'an uu leeyahay oo qofkii intaas xubintiisa ay ka yartahayne ay wx ka qaldan yihiin, ogow dadka isku dhirir maahan, isku midab ma ahan, isku muuqaal maahan, sidaas ayayne u kala duwan yihiin xubnahooda taranka, marka ha isu daalin in aad raadiso xal dhalanteed ah ee ku kalsoonow abuurista ilaahay, haddii aad qabtid su'aalo ama faahfaahin ku aadan xaaladaadane la xiriir takhtar.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa, si kastoo aqoonta caafimaadka u hormarto, bedelidda abuurista ilaahay waa arrin lagu hungoobo wixii lagu sameeyane ay ka shallaayaan, waxayna u badan tahay dhibka laga dhexlo inuu badanaa ka bato sababtii loo sameeyay qalliinka, sidaas awgeed takhaatiirta fahansan arrintaan waxa ka dhalan karo kuma taliyaan in lagu dhaqaaqo.
Arrintaan aan ka hadlay way ka duwan tahay daawooyinka loo qaato kacsi la'aanta iyo biyo-baxa degdegga.
Daawooyinkaan oo aad warbixintooda ka akhisan kartid halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3443.0.html

Haddii aad su'aal caafimaad aad qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Weynaynta ama dheeraynta xubinta ragga, ma xal baa?
« Reply #1 on: July 18, 2015, 11:27:24 PM »
Maasha Allah  aad ayaa umahadsan tahay
 Waxaa rabaa in aan ogaado arinta laad laadsiga( lulashad ama hoos u walfashada)
 Xubinta hadeey adagtahay oo ee caburin karto meeshii loogu tala galay oo awood u leedahay . Lkn markii gacmaha laga daayo oo eena kor u ustaageen
Mala dhihi karaa waa dhibaato
 Mase LA dhihi karaa waa culeeys ayada ah(xubinta)
 Calaashan qotomis malahan lkn weey shaqeeynee hoowl walbo
 Qotomis la'aan taas normal miya mase normal maaahan?

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Weynaynta ama dheeraynta xubinta ragga, ma xal baa?
« Reply #2 on: July 19, 2015, 11:05:12 AM »
Xubinta oo hoos u laadlaadsan oo kor eegi karin ragga qaar waa u dabiici waxayna ka imaataa in seedka xubinta ku haayo laftanta bisqinta uu dabacsan yahay wax saamayn ahne kuma lahan xagga galmada iyo xagga uureynta intaba.

Waxyaabaha kale ee keeni karo waxaa ka mid ah, haddii xubinta ay culees tahay ama dheer tahay iyadane badanaa way laalaadsantaa, midda kale hadduu kacsiga uu bilaw yahay iyadane way laadlaadsantaa oo markii uu qofka aad u kacsado way istaagtaa.

Marka qotomis la'aanta dhib ma lahan ee ha ka welwelin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Weynaynta ama dheeraynta xubinta ragga, ma xal baa?
« Reply #3 on: July 19, 2015, 04:59:11 PM »
Mahadsanid somalidoc


 

Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 71752
Last post December 11, 2017, 11:50:07 PM
by Xalane123
Su'aal: Yaraanta xubinta taranka ragu wax ma u dhimi kartaa wada noolaanshaha

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 30362
Last post October 12, 2015, 05:51:42 PM
by Ayanleh
Su'aal: Maxaa adkeeya xubinta raga isaga oo aan isticmaalin viyaagaro?

Started by Nuur2022Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47013
Last post March 22, 2016, 04:25:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan leeyahay neef dhanka xubinta taranka?

Started by ChoukriBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10579
Last post January 14, 2015, 12:30:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena xubinta taranka oo neef ka soo baxdo?

Started by BishaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 105590
Last post December 19, 2009, 08:23:02 PM
by SomaliDoc