Author Topic: SOOMAALIYA: Bukaanada u Adkeysta Dawadda Cudurka Qaaxada oo ku badanayo!  (Read 40257 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
June 2014 - Adkeysi jeermiska sababa cudurka qaaxada ee u yeesha daawada ayaa si aad uga baahayo dalka Soomaaliya sida ay tilmaameyso daraasad ee sameeysay Hey'ada Caafimaadka Aduunka.

Cuddurka qaaxada waa cudur uu sababo jeermis loo yaqaanno "Mycobacterium" oo badanaa ku dhaca sanbabada iyo xubbno kale ee jirka. Jeermiskaan sababa cuddurka qaaxada ayaa adkeysi u yeesha labada daawo ee ugu awooda badan safka horana kaga jira daaweynta cudurka kuwaas oo kala ah isoniazid iyo rifampin.

Tayada daawada, daawada aan la dhameysan iyo aqoonta daryeel bixiyaasha, arrimahaas ayaa saameyn ku leh Adkeysi jeermiska sababa cudurka qaaxada ee somaaliya.

Baahsanaanta qaaxada u adkeysata daawada waa mid aad u weyn, daraasadaan ayaa lagu ogaaday 500 qof oo adkeysi u leh daawada ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, 5.2% dadkaan ayaa dhowaan laga helay cudurka qaaxada.  halka 40.8% hore looga daaweeyay cudurka.

Adkeysiga daawooyinka cudurka qaaxada waxaa loo arkaa walaac ka soo shaac baxaysa somaaliya marka lala barbardhigo daraasad laga sameeyey dalka deriska nala ah Ethiopia iyo dalalka gobolka bariga Mediterranean. Sanadkii 2005, dalka ethiopia adkeysiga daawadda cudurka qaaxada ayaa gaaray 1.6% dadka dhowaan laga helay Cudurka iyo 11.8% kuwa hore looga daaweeyay cudurka. dhinaca kale daraasad laga sameeyey dalalka gobolka gobolka bariga Mediterranean ayaa xuseysa qiyaasta tirada 3.4% dadka dhowaan laga helay Cudurka iyo 29.9% kuwa hore looga daaweeyay cudurka.

Habka ugu muhiimsan ee looga hortago Adkeysi jeermiska keena cudurka qaaxada waa in ay bukaanda u qaadaan dhammaan daawooyinka sida uu qoray daryeel bixiyaasha caafimaadka iyo in daawada la dhameysto oo aan lagala goyn .
1 Xarun oo lagu baaro laguna daaweeyo bukaanada u adkeysta daawada ayaa ku taalo somaaliya, hadaba dowladda somaaliya ayaa looga bahaanyahay in tallaabooyin deg-deg ah ka qaadato arintaan si bukaanada u hellaan daawo iyo baaritaan. sidoo kale waxaa muhim ah helitaanka safka laabaad ee daawada cudurka qaaxada iyo in la tababaro daryeel bixiyaasha caafimaadka kuwaaso caawin kara si looga hortago Qaaxada daawada u adkeysata.




Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
MDR TB / XDR TB in Somalia
« Reply #1 on: July 12, 2015, 03:19:06 PM »


Dr. Kheyre, waad ku mahdsan tahay warbixintaan, qaaxada daawada u adkeysata "MDR TB" aad ayay ugu dhex badan tahay bulshada soomaalida, waxaana aaminsanahay in tirada intaas aya ka badan tahay sababtoo ah qalabka lagu baaro MDR TB-da soomaaliya lagama wada helo, midda kale baaritaankaas waa in ay takhaatiirta daaweysa qaaxada iyo hay'adaha baara inuu xiriir ka dhaxeeyaa si bukaanadaas loogu xawilo, midda kale waa in baaritaankaas bilaash uu ahaado.

Baaritaanka hadda ugu raqiisan ee wadamada Africa laga isticmaalo waa GeneXpert-ka, baritaanka wuxuu ku kacayaa calaa qof 20$ - 30$, waxaa taa ka sii daran, haddii la arko qofka in daawada uu la qabsaday oo uu qabo MDR TB, daawadii la siin lahaa iyo nidaamkii lagu kontarooli lahaa ma jiro, magaranayo xafiisyada WHO ee wadanka ka shaqeeyo sida ay ula tacaalaan bukaannada MDR TB laga helo, wadamo badan ayaa dadka MDR TB laga helo waa laga ilaaliyaa in bulshada ay dhex galaan oo meelo ayaa lagu xareeyaa inta xaaladooda ka kala caddaanayso, 50% kaliya ayaa lagu qiyaasaa inay ka daawoobaan MDR TB.

Sida ay u muuqato xaaladda ma sahlana, waxaa xittaa jiro soomaali laga helay XDR TB oo ku nool dalka Kenya oo ah macnaheeda daawada MDR TB waxba kama tarin, oo daawo ma leh, qofkii iyaga ka qaado tiibishadaasne sidoo kale daawo ma lahan!!!!

Sababaha xanuunka MDR TB iyo XDR TB ugu badanayaan soomaalida ayaa ah kuwaan soo socda:
  • Aqoon darri iyo xanuunka oo laga fahansan yahay fikrado qaldan taasoo keenayso in qofka xanuunka qarsado ama daawo uu raadsan waayo, dad badan ayaa u arkay in qaaxada hadiiay kugu dhacdo ay ceeb tahay, dad ayaa aaminsan in laga qaado gaajada.
  • Daawada qaaxada oo laga ganacsado oo uu qofkii rabo isticmaali karo, ha u baahnaado ama yuusan u baahan, meesha wadamada kale ay xadidan tahay oo aadan heli karin daawada illaa in nidaam la yaqaanno soo martid mooyee.
  • Nidaam daawada lagu bilaabo ama lagu kontarool oo sax ah kama jiro dalkii waa laga yaabaa hay'ado qaar in ay leeyihiin nidaam u gaar ah oo daawada ku bixiyaan.
  • Ma jiro nidaam dabakac iyo wacyi galin oo looga hortagayo in daawada aanan la joojin iyo dhibaatooyinka ka dhalan karo, maxaa yeelay dadka ugu badan ee daawada la qabsaday waxay ka timid in ay daawadii ka tageen iyagoo aanan wali dhamaysan koorsigii loogu talagalay.
  • Daawada tayadeeda oo aan kontaroolneyn tanoo iyadane ah midda labaad ee badinaysa qaaxada daawada la qabsatay.

Intaas oo sabab waxaa looga hortagi karaa inuu jiro nidaam dawladeed oo awood u leh in ay kontoroosho bixinta daawada qaaxada, tayaynta daawada qaaxada, baaritaanno bilaash ah, daawada second-line oo la heli karo iyo nidaam lagu kontaroolayo laguna dabakacayo dadka laga yaabo in daawada ay ka tagaan.

Waxaan halkaan bogaadin uga dirayaa hay'adaha isku xilqaamay in ay daaweeyaan qaaxada iyagoo ilaalinaya shuruucda iyo nidaamka u dagsan daweynta saxda ah ee xanuunkaan, laakiin middaan ma ahan xal joogto ah oo waqti kasta ayay hay'adaas alaabteed aruursan kartaa oo inta ku xiran daawada ka kala go'i kartaa.

Hay'adihii dowrka weyn ka ciyaaray daaweynta qaaxada waxaa ka mid ahaa MSF oo sanad kasta daaweyn jirtay in ka badan 6,000 oo qof, weliba ku dadaali jirtay in aan daawada aysan kala go'in, iyadoo qofka damiin la waydiin jiay iyo meesha uu dagan yahay si hadduu daawada uga tago lo soo qabto, kuwa aan daganayn magaalooyinka iyo tuulooyinka daawada laga bixin jirayne waxaa la siin jiray hoy, cunno iyo waxyaabaha kale ay ubaahan yihiin loomana ogolaan jirin in ay xarumahaas ka baxaan illaa ay daawada dhameeyaan, hadduu qofka xanuunsan oo la daaweynayo uu yahay aabihii ama qofkii qoyska biili jiray, MSF ayaa qoyska siin jirtay gunno cunto ah taasi waxay u horseeday in MSF xarumaheeda qaaxada loo aqoonsado kuwa ugu badan ee tiibishada looga daawoobo (highest cure rate).

MSF maalin cad ayay ka dhaqaajisay xarumahii ay soomaaliya ku lahayd oo idil, halkee ku dambeeyeen dadkii daawada ay siin jirtay?!!!!

Haddii arintaan dowladaha soomaaliya ka jiro aysan  xal u helin, dhibaato aan la kontarooli karin ayaa dhicikarto inay u horseeddo.

Warbixin guud oo Tiibishada ku saabsan, ka akhri halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html

http://somalidoc.com
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Dr marka kowaad warbixinta anigga qoray oo aniigga aya Falaaqeyn ku sameeyay, kaliya tirakoobka ayaa ka soo xigtay WHO. waxaa ugu tala galay in bulshada ku baarugto arintaa oo daqaatiirta ka doodaan.
Sababaha xanuunka MDR TB keeno Qodobka 1aad, macquul ma tahay dr, hadii qofka xanuunka qarsado ama daawo uu raadsan waayo. ma imaaneysaa MDR TB?
Balse qodabda kale waa kula qabaa...
dhinaca kale, Habka ugu muhiimsan ee looga hortagi waa kula qabaa.
Mahadsanid

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Dr waad ku mahadsan tahay su'aashaada, MDR TB waxaa loo kala qeybiyaa labo qeyb, primary MDR TB iyo secondary MDR TB.
Primary resistance waa qof tiibishaa ugu horreysa oo ku dhacdayba ay tahay MDR TB oo ka qaaday qof kale oo MDR TB qabo.
Secondary resistance waa qof daawada qaaxada si qalad ah u isticmaalay kadibne resistance ku noqotay oo MDR TB isku badalay.

Sidaas awgeed qodobka 1-aad wuxuu muhiim u yahay dadka primary restance MDR TB qaba, haddii aysan daawo raadsan, waxay bulshada halis ugu jirtaa inay MDR TB ku dhacdo iyagoo daawo qaadan xittaa.

Waa ku mahadsan tahay qoraalkaan faaidada u leh bulshada.
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Asc Dhaqatirta sharafta leh Ramadaan kariim,
Bacda salaaam,
Runti mowducan aad sida ficn inogu fah fahiseen waxyalo badan baan ka Baranay khasatan ani ahaan oo aad muhim igu ahed in aan wax badan ka'ogaado,
Runti waxn ahay shaqsi aay ku dhacday qaxadan daawada u adkeysata kaligay ma'ahe qoskena dhan baay aad u samaysay tasoo ugu wacned aqoon la'aanta naga hesatay xanunkan oo guud ahan bulshada somaliyed ee dalki joogo oo aanan ku bararug saneen tiibada nucan xata dhaqatirta dalki joogta anan aqon u lahen taasoo ugu wacan in aysan aalin dalki qalabki lagu baaro!,
Hadi aan qisada rerkena aay usamaysay xanunkan idinla wadaago, Bilawgi waxa laga helay cunug qoska ka mid ah kaso si toos ah ugu soo qaday qof qabay tibida nucan ee ah primary MDR TB Resistance., Laakiin kolki baritan cadi ah lagu subiyay waxaa naloo shegay in TB uu qabyo waxana loo bilaway dawadi 6bilod ee cadiga ahed tasoo mudo 1sano ka badan u qadanayay laakiin uusan wax is badal ah ku imaan inuu sii dhuldhacyo moyee mudo kadibna uu geriyoyay! AUN, Geeridiisi kadib baa sadax an aniga ku jiro hal mar uu soo riday xanuunki markaas weeye markii aan ku bararugayno oo candhuftena Hay'ado inta qaden dibada aay kuso baaren kadibna ay noosheegeen in dalka gudihisa laga helaynin dawadeda laakiin ayna yiren xirooyinka qaxodiga ee kenya baa laga hala, laakiin kenya man aadin waxan soo aadnay Uganda halkaas oo aan ugu danbeen xero qaxoodi oo ku taalo aan ka helnay baritaano lacag la'aan ah daawo lacag la'aan ah alxamdu lilaah hada aniga iyo wiil kale waan dhamaysanay dawadi oo waan ka bogsonay ilahay mahadi lkn inan baa isla halkaan noga dhimatay kolki dawada loo bilaaway iyado dhowr bilood qaadanayso taasi tirada qoskeena aay ku wayen ee tahay labo qof  halka 2bo aan aniga ku jiro aan ka bogsonay alxamdulilaah

Hada waxa fah fahin iga siisaan qof dawada dhamestay oo na ahaa primary MDR TB, madhacdaa in dib ugu soo lababto xanunki!?, maxaase soo cilan kara?
imisa bilood ama sano baaa la arkaa in qof laga daaweeyay daawadana si sax ah u dhameestay in ay kusoo noqoto,
inkastoo qadar tii alle ladhaafi karin hadana maxaa dadaal ah aad igula talinaysaan in aan ka taxadaro soo laabashadeda?
Illahaay inaguma keene haddii ay dhacdo qofka in aay kuso laabato maxaa u dawaa ah oo dawo lagula tacalo maleedahay, mase waa sida uu Dr kor kusoo sheegay oo waxay naqonee mid aan daawa laheen!!?

Ugu danben waxan idinkaga cudar daranaaaya qoraalka aan aad idinku dheereeyay,
mahadsanidin

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Ilaahaygii xanuunka kaa badbaadiyay ayaa mahad u sugnaatay.

Xanuunka haddii aad ka bogsatay oo dhakhaatiirtii gacanta kugu heysay kuu sheegeen in baaritaan ka dib aad reysatay, ma dhacdo in xanuunka kugu soo laabto ilaa in aad tiibisho cusub aad qaaddo mooyee.

Tiibishada cusub qaadisteeda bulshada kale ayaa la wadaagtaa ee ma ahan in aad dadka kale u nugushahay in qaaxo kugu dhacdo.

Laakiin haddii ay dhacdo in ay tiibisho kugu dhacdo, waa in la hubiyaa midda aad qaaday ma MDR-TB mise TB caadi ah, waxayna ku xiran tahay nooca uu qabay qofka aad ka qaaday?

In hadane lagaa daaweeyo tiibishada noocey rabto ha ahaato kuma xirna in horay lagaaga daaweeyay ee daawada wax way kaa taraysaa.

Nooca aan daawada karin waxay ku imaan kartaa kaliya in adigoo qaba MDR-TB ay daawada wax kaa tari wayso, markaasne takhaatiirtaadii ayaa kuu sheegi lahayd oo caafimaadne ma aadan dareemi lahayn.

Waan ku faraxsanahay in aad nala wadaagtid sheekada qoyskaaga iyo dhibaatada aad la soo marteen xanuunkaan, waxaana ilaahay uga baryayaa inta xanuunsan inuu caafiyo inta u dhimatay alle u naxariisto.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Amiin Aamin

Dr Mahdi io Dhaqatirta kale ee ku'howlan in aay bulshadoda cawiyan. Walalay Aaaaaad & Aaaaaad baa ugu mahasan tihiin sida qimaha badan ee aqontina ugu fa'idaysan dadkiina illahay kheer ha'idinka jaaziyo.


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46487
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28923
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18444
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95964
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27094
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc