Author Topic: Su'aal: Feedho xanuun, ilko dhiig iyo xanuunka gaaska?  (Read 23131 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Almis

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Su'aal: Feedho xanuun, ilko dhiig iyo xanuunka gaaska?
« on: August 02, 2015, 09:33:55 PM »
asc marka wxne ade hawada salaan kal iyo lab ini so marinaya marka xigta waxane raba ine ane afar sual ini waydiyo sii ane jawaab rasmi ah  ugu helo dhwr xanun oo mudo badane ane jawaab sax ama ane ku qanco ane heline wali:
 1 )  wxne  mudaba ane il daranhye fedho xanun waliba inta shafka hore ama labta taasi marma ane afka ku aragko wx ise jijidanaya oo ane fahmi wayay wxy thy bal wxsi wxay thy iga caawiya.
2)  wxne kale oo ini waydinaya ma jira xanun ku dhaaca llkaha waayo ilki mar walba ane caday ku qabto waye ii dhigina ama ane nuugo wx malin malin baa ka danbaysa ciridkagi wa siii durkanaye oo ine uuu ilku dhacane ka cabsi qaaba bal wuxi daalo ah igu caawiya.
3) xanunka la idha gaaska inte ine leg ayu samayne uu gaysane kara cafimadka;side ayu dadka ayu sameya; qofka uu xanunkasi ku dhacayna side ayu iska ilaline karaya sii ayna igu kiicine; hadi uu wax dabib qadane waayo cafimadkisa wax dhib ah ma so gadhayane ;gaasku calosha ma ku samayne karaya wax nabuur ah.
4) xanunka fedha xanunka maxa keena ; samayne inte leh ayuna cafimadka qofka uu gaysane karaya ; qofka xanunka fedha xanunka uu ku dhaco side baa lagu grta ; ma leyhy astaamo lagu garto fedha xanunka side naa aya la iska dabib karaya ;  dictor fedha xanunka iyo gaaska igu biira wax dhib ah ma uuu gaysane karaya wadnaha qofka iyo dhinac bidix oo uu dareemo ine bila awood tahay.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Feedho xanuun, ilko dhiig iyo xanuunka gaaska?
« Reply #1 on: August 04, 2015, 10:24:22 AM »
Su'aasha 1-aad:
Feero xanuunka dhowr toban cudur ayaa keeno oo ay muhiim tahay in la kala sooco inta aan lagaa daawayn, maadaama aanan ku arkin, waxaan kugula talin lahaa in aad qoraalkaan akhrisato oo kugu caawin doona in aad ogaatid nooca feero xanuunkaaga uu noqon karo adigoo ka jawaaba su'aalaha ku xusan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html
Markaa akhrisatid, haddii ay wax kuu kala cadaadeen, waad na soo waydiin kartaa su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan feero xanuunkaaga.

Su'aashada 2-aad:
Ciridka oo dhiigo iyo ilkaha oo sii durqo waxaa loo yaqaanaa "Gingivitis", waxaana afsoomaali lagu dhahaa "Yirid", halkaan ka akhriso isagane qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html
Waa muhiim in aad la xiriirtid dhakhtar ilkaha ku taqasusay si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay xanuunkaaga si ilkahaaga kuugu nabad galaan oo daawo laguugu qoro.

Su'aashada 3-aad:
Qoraalkaan gaaska ku saabsan ayaa ka jawaabi doona su'aalahaaga oo idil oo ku saabsan gaaska ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html

Waxaan rajaynayaa haddii aad qoraaladaas si fiican u akhrisatid in fikrad fiican kaaga soo bixi karto oo aad fahmi doontid qaabka laguu hayo iyo in xanuunadaada isla socdaan iyo in ay kala socdaan intaba.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Almis

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Feedho xanuun, ilko dhiig iyo xanuunka gaaska?
« Reply #2 on: August 07, 2015, 02:16:32 AM »
asc mahadsanid dhamaan Somali Medical Forums runti ade ayane uga faiiday taalo  cafimad ikn su aale dictor.
1/ meel ade kulayle ayane jga oo ane ku nolhye oo mar uu heerkulka uu gadho 44 c oo ade ah dhul ade kulayle marka fedha xanunfka laba aya keena sida ii fiisay kaaw gaaski waa keena taas uu keeno fedho xanun iyo Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto)  mida labad oo ah dictor calamadahaan wane iska aragka  neefsashada oo igu yarata marka uu dhulka uu kulayle noqdo ama hawl adaag ane qabto ama jimicsi ane sameyo oo wadnuhu ade isku garaco marka su aashu wxay thy madamo gaasku laftisu wadna garac iyo fedho xanun keeno oo neftu ku yarto side  baa lagu garane karaya ine ku haayo xanunka (Angina) oo  la xiriiraa Wadnaha iyo ine gaasku iyo ine gaasku kugu wcn yhy.
2 / xanunkane  (Angina) oo ah mid feeraha, gacmaha, daanka ama dhabarka qaybta sare dadka ka qabta oo uu sababo hoos u dhaca dhiigga ku shubma wadnaha xanunkasi maa sababi kaara ine lugta iyo gacanta bidix aye noqoto mid ka awood yare gacanta iyo luugta midig taasi oo la moodo ine aya lafba ku jirine ama sidi wax bila taag noqoto.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Feedho xanuun, ilko dhiig iyo xanuunka gaaska?
« Reply #3 on: August 09, 2015, 12:57:28 AM »
Haddii aad xanuunka wadneqaba "Angina" iskaga shakisan tahay waxaa habboon in aad dhakhtar la xiriirto sida ugu dhakhsiyaha badan.
Midda kale oo astaamaha aad tilmaantay yeelan kara waa dhiigkarka, dhiigga hadduu aad u kacsan yaahy wuu keeni karaa cadaadis wadnaha ah, xabad xanuun iyo tabardarri ama kabuubyo hal dhinac jirka ah.

Fadlan dhakhtar la xiriir si laguu baaro...
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33225
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32265
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23460
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41587
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29388
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc