Author Topic: SU'AAL: XAMEEETADA O DHAGAX KU JIRO XALKEEDA?  (Read 5423 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline m.mo141

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
SU'AAL: XAMEEETADA O DHAGAX KU JIRO XALKEEDA?
« on: August 14, 2015, 09:42:33 AM »
WAAD SALAAMAN TIHIIN BAHDA SOMALI DOC

Hooyayda ayaa Xanuun dareentay caloosha ah mudo ka hor way baxday waxay aaday HOSPITAL waxayna is saartay COMPUTER waxaa la

dhahay XAMEETADA waxaa kugu jiro DHAGAX waxay qaadatay daawooyin marki u dhamaden waxay ku labaty HOSPITAL waxa la dhahay

Dhagaxa wu ka baxay lkn waxa jiro INFECTION o ah meesha dhgaxa fadhiyay ah way aamin wayday in u baxay dhagaxa  hospitalo badan

ayay aaday waxaa la dhahay dhagax  kuguma jiro mudo yar ka dib dhagaxa wu dhalana ila hada hooyo waxay qaadata daawoyin o wu baa'baa hadana wuu dhashaa

DOCTORSKA  waxay dhaheen waa lagu qalaa hooyo qalinka ayay ka cabsaneysaa o Dawoyin ayay isticmaasha  hooyo cunto badan

ma cunto haday saaid u dharagto way mantage o dharaga way iska ilaalisa darad mar ayay computer is soo saartay waxa ladhaahay

ilmo galenka ayaa Buro maaga jirto kilidana dhagax aya kugu jiro e waalagu qalaa dawoyinkan so qado

marka maxaa talo ah oo aad siin laheeden hooyo ???

dhagaxaan mar walbo dhalanaayana wa maxay  ?

Cunto nooce ah ayay qaadane ???

xameetada o la qalo way dhib ah miyey keentaa


wa mahadsan tihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: XAMEEETADA O DHAGAX KU JIRO XALKEEDA?
« Reply #1 on: August 15, 2015, 12:30:34 PM »
Marka hore, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa xameetida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html
Halkaane waxaad ka akhrisataa qoraal ku saabsan qalliinka xameetida lagu sameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html

Midda kale, badanaa way dhacdaa in dadka qaar ay leeyihiin dhagaxa xameetida ee soo laalaabto, wuxuuna badanaa ka samaysmaa dacarta xameetida lagu keydiyo ee loo yaqaano "bile acid", dadkaas badanaa waxaa lagula taliyaa qalliin.
Qofka hadduu xameetida ka jiran yahay waxaa talo ahaan loo siiyaa inuu ka fogaado cunnooyinka dufanka ah.
Sababha kale oo qalliinka loogula taliyo qofka leh dhagaxa soo laalaabto waxaa ka mid ah in ay dhici karto halista in dhagaxa uu ka soo daadago xameetida oo soo galo dhuumaha ka baxo, tanne waa arrin halis ah oo qofka qalliin culus oo dagdag ah ayuu u baahnaan karaa, midda kale dhakhaatiirtu waxay sheegaan xameetida sida joogtada dhagaxa ugu samaysmo waxaa dhici karto muddo markii ay ka soo wareegato in kansar ku dhalan karo maadaama dhagaxa uu dhaawacayo dahaarka xameetida sidaasne ku dhalan karaan unugyo aan dabiici ahayn oo hadhow isku badali karo kansar.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16643
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO?

Started by SuhuurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 97412
Last post April 08, 2011, 09:07:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Suura kal ma tahey in baaris laku ogaan karo sanadka aan jiro (age )?

Started by Gedi20Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23728
Last post March 10, 2012, 02:47:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun baan raba inaan ogaado inuu jiro iyo in kale?

Started by Muna O.HamariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6539
Last post January 02, 2013, 09:52:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa isku argay cabur ka jiro labada duleel Ee sanka?

Started by AbdialiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5694
Last post September 19, 2017, 12:17:25 PM
by CilmiSabca