Author Topic: Su'aal: Kareemada Timaha Jilciya?  (Read 54470 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Kareemada Timaha Jilciya?
« on: September 02, 2015, 07:56:40 AM »
Dr. Haddii gabdhaha yar yar (ee 10 jir IWM ah) timaha loo mariyo, kareemada timaha jilciya, dhibaato ma u lee yihiin caafimaadkooda? Kareemadaan oo sida la wada og yahay, dhowrkii biloodba mar la marsado timaha, marka Doctor, isticmaalka joogtada ah, isagana dhibaato ma u lee yahay caafimaadka qofka iyo timaha?
Waxaa kaloo jira dumarka qaarkood, iyadoo alerji qaba ayey kareemadaan timaha marsadaan, qaar kalena timaha ayaa daata, kareemadana wey sii marsadaan. Haddaba Doctor, alerjiga haddii loo adkeysto oo kareemadana isticmaalkooda la sii wado, dhibaato ma lee dahay?


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kareemada Timaha Jilciya?
« Reply #1 on: September 02, 2015, 03:55:51 PM »


Waa maxay halista daawada tinta lagu jilciyo?
Daawooyinka timaha lagu jilciyo ee la marsado ma ahan wax caafimaadka u roon yar iyo weynba.
Baaritaanno badan oo lagu sameeyay daawooyinkaas oo
kuwa ugu caansan badanaane lagu sameeyo dalka Brazil, waxaa lagu arkay in ay ka buuxdo maaddo la dhaho "Formaldehyde" oo si dhab ah loo ogyahay in ay ka mid tahay waxyaabaha kansarka keeno.

Formaldehyde ama "Formalin" waxaa loo adeegsadaa in meydka jirkiisa lagu ilaaliyo si uusan isku badalin, waxaa aad logoa isticmaalaa meelaha meydadka lagu kaydiyo ama shaybaarrada iyo iskuulalda caafimaadka ku tababarto meydadka waxbarashada loogu tala galay.
Waxaa la arkay in dadka ka shaqeeyo meelaha meydadka lagu xanaaneeyo in lagu arkay in uu ku batay kansarka dhiigga iyo kansarka maskaxda, sidaasne ku timid in suntaan lagu billaabo baaris, kadibne doolliyaal lagu baroobeeyay la arkay in ay kansar ku riday.
Sidaas awgeed dadka ka shaqeeyo meelahaas aad ayay iskaga ilaaliyaan iyagoo gacmaha iyo afka ku xirto qalab aanan soo gudbin karin suntaan.

Jilcisada titna waa daawooyinka tinta loogu isticmaal badan yahay wadamada Africa, cilmibaaris lagu sameeyay daawooyinkaas ee la soo gabagabaeeyay sanadkii hore, wadanka South Africa, waxaa la arkay 6-da kareem ee ugu badan kuwa la isticmaalo wadamada Africa in ay ku jiraan qadar aad u badan oo suntaas ah in laga helay.

Maadaama maadada "formaldehyde" la arkay in tinta ay taagto xittaa marka ay qoyan tahay, ayaa waxay shirkadaha si xad dhaaf ah ugu daraan jilcisada, waana sababta keentay in daawooyinka wadanka Brazil lagu sameeyo ay aad suuqa u soo galaan.

Qaabkee ayay u shaqeysaa Jilcisada?
Tinta wuxuu eebbe ka abuuray maaddo la dhaho "keratin", dadka tinta adag maadadaas way isku tixan tahay oo uma kala dhaxeyso meelo banaan oo waxaa isku haya waxyabo eebbe ugu talagalay oo aad u adag, daawada jilcisada waxay kala jibisaa waxaas isku haya si ay u samaysmaan "spaces" ama meelo banaan, sidaas darteed tintii taagnayd waxay u ekaanaysaa wax jilcan.
Maadaama suntaan formaldehyde ay awood u leedahay in ay shaqadaas si sahlan u qabato ayay shirkada u door bidaan.

Waa maxay dhibka maadada "Formaldehyde"?
Kiimikadaan sunta ah waxay keeni karaa xasaasiyad jirka ah, haddii la neefsadane sanbabada ayay u gudbi kartaa oo dhaawac gaarsiin kartaa, waxayna isbadal ku samaysaa unguyada oogada waana qaabak ay kanskarka ku keento.

Waxay shirkadaha qaar ay sheegaan in haddii kiimikada ku jirto daawada jilcisada aysan ka badnayn 0.2% dhib uma keento caafimaadka qofka, laakiin cillada jirto ayaa waxay tahay sidee ku ogaanaysaa in cabbirkaas ay ku jirto ama in aysanba ku jirin.

Talo:
Waxaan kula talin lahaa dadka adeegsado waxyaabahaan ama u mariyo caruurtooda in ay ka digtoonaadaan, xittaa dadka ka shaqeeyo waxay dhakhaatirita kula taliyaan in ay halis ugu jiraan kansarka sambabka maadaama ay neefsanayaan suntaas si joogto ah.
Caruurta yaryar way kaga nugul yihiin waxyaabaha jirka saameeyo sidaas awgeed ogow in aad caruurtaada dambi ka galaysid alle kugula xisaabtami doono adigoo og khatarta daawooyinkaan aad u marinaysid.

Ka dhiiibo ra'yigaaga:
Waan jeclaan lahaan in hablaha ku xiran boggaan ama akhrisnaya qoraalkaan in ay ra'yigooda ka dhiibtaan arrintaan ama haddii khibrad hayaan nagu soo kordhiyaan.

Akhriso qaabka Kansarka ku yimaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,484.0.html
Akhriso Daawooyinka la isku caddeeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4179.0.html


Haddii aad qabtid su'aal caafimaadka ku saabsan, noogo soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17223
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11970
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22934
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Timaha garkeeyga ayaa waxaa kujiro timo gaduudan?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4252
Last post January 23, 2016, 02:26:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 30110
Last post November 02, 2011, 02:11:17 AM
by CilmiSabca