Administration Panel > SD Support and Suggestions

Talo: Fududeyn cinwaanada

(1/1)

CilmiSabca:
Marka uu qof cusub soo galo webka somalidoc, waxaa dhacda in ay  muddo dheer ku qaadato, sidii uu u fahmi lahaa meelaha uu ka heli karo wax yaalaha uu rabo in uu akhristo. Tusaale ahaan, marka uu qofku soo galo wuxuu arkayaa: soo dhaweynta webka, ka dib calaamaddaan  ( + ) oo lagu soo koobay qeybaha ugu muhiimsan webka. Dadka qaar calaamaddaas ma riixaan, hoos ayay aadaan, wareer ka dib ayay tartab u kala fahmaan. Waxaan ku talin lahaa in qeybaha ku dhex jira godkaan ( + ) afka hore la keeno. Bog walbana logout hoos loogu sameeyo si qofkii share ah, uu uga bixi karo haddii uu ku soo galey log in for ever.

Admin:
Saaxiib Cilmi waad ku mahadsan tahay talooyinkaaga, cilladaha aad tilmaantay waxay haysataa dadka ka soo galo mobeello gooni ah, maadaama boggaan uu leeyahay awood isbadalid iyadoo ay ku xiran tahay shaashadda mobeelka ama computerka aad ka soo galaysid iyo internet-ka speed-kiisaa, haddii ay shaasahdda yar tahay ama connection-ka uu liito wixii khadka culees ka dhigayo ama shaashadda wada qaadanayo way qarsoomaysaa si qofka wax akhriska safiican ugu muuqdo waana sababta keenayso in ay waxyaabaha qaar qarsamaan.
Dadka na soo booqdo badanaa mobeelka ayay ka soo galaan, sidaas awgeed waxyaabo badan oo dadka computerka ka soo galo ay awood u leeyihiin in ay isticmaalaan ma heli karaan, laakiin waxaan wadnaa dib u habayn aan bogga ka dhigayno mid isticmaalkiisu sahlan yahay, waana idin la socodsiin doonnaa markii isbadalkaas uu dhaco insha'llah.

CilmiSabca:
Dr. Mahdi, waa sida aad sheegtay, aniguba inta badan, waxaan ka soo galaa mobeel, gaar ahaan habeenkii, waxaana isticmaalaa Opera Mini web browser. Waan wada sugeynaa wixii soo kordha Insha Allaah. Waxaad naga mudan tihiin tix galin aad iyo aad ah. Thank You.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version