Diseases and Conditions > Cudurrada Haweenka

Waa maxay dhiciska soo noqnoqdaa?

(1/1)

Hodandeeqa:
waa igu dhacay dhicis is daba socda oo gaadhaya 4 jeer ilaa hada la iima sheegin dhibaatada keentay waxan la xidhiidhay dhakhtaro badan wax cilada iima ay sheegin waxaa idinka codsanayaa talo inaad I siisaan.

SomaliDoc:


Waa su'aal muhiim ah in hooyo kasta oo isku aragta dhicis soo laalaabto ama isku daba xigo in ay ogaato waxa keeni karo.
Waxaa loo kala qaadaa cilladaha sidatan:

Cillad ka timid qaab samaysanka xubnaha ku shaqo leh uurka sida raximka "minka", afka ilmogaleenka:

* Raximka: waxaa la arkay haddii minka uu u samaysan yahay qaab uusan uurka ku ceshan karin boqolkiba 15% ilmaha way soo dhacaan, cilladaha waxaa ka mid noqon kara in minka uu leeyahay xuub kala qeybiyo ama cillad muqaha minka ah, tani waa mid lagu ogaan karo baaritaano computer in ay cillada ay halkaan ka jirto.
* Afka ilmo-galeenka: Hadii ay jirto dabacsanaan afka minka waxay keentaa in uurjiifka uu soo dhacayo markii uu cuslaado, wuxuuna dilankaan badanaa dhacaa markii ilmuhu ka gudbaan sadaxda bilood ee hore, waxaa lagu ogaan karaa wiisiteyn dacasanaanta afka minka, waxayna dhakhaatiirta tolliin fudud ay ku qabtaan afka si ilmaha u dhameesto bilooyinkiisa kadibne waa laga furaa.
Cillad is-diidis dhiiga aabaha iyo hooyada:

* Waxaa jira dad leh hidde socod u nugul in ilmaha ay soo tuuraan, haddii laba qof ay isku soo aadaan oo xambaarsan cilladahaas, waxay keentaa in ilmuhu ay soo dhacaan ama ay dhashaan ilmo aan dabiici ahayn, sidas awgeed waxaa jiro baaritaan la dhaho "karyogram" oo lagu ogaado in labada lamaane ay qabaan cilladaas, baaritaankaan ma ahan mid laga helo soomaaliya.
Cillad xaga hormoonada ah:

* Hormoonku waa dheecaan jirku u baahan yahay inuu ku howgalo wuuna noocyo badan yahay wayna kala shaqo duwan yihiin, akhriso qoraalkaan ku saabsan hormoonada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,864.0.html
Cilladaha hormoonada ee lala xiriiriyay dilanka soo laalaabto waxaa ka mid ah xanuunka ku dhaca qanjirka thyroid-ka iyo cillada ugxan sidaha fiixda leh iyo haddii hormoonada uurka ilaaliyo iyo kuwa ka horago aysan isu dheelli tirneen.
Akhriso cillada thyroid-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html
Akhriso cillada ugxan sidaha fiixda leh: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html
Cillad difaaca jirka ah:

* Waxaa jiro cillado keeni kara in jirka hooyadu uusan dulqaad u lahayn uurka oo uu weerarayo si uu isaga takhalluso maadaama ay tahay cillad isdifaacis jirka, wuxuuna jirka hooyadu dareemayaa in uurjiifka uu yahay wax halis keeni karo sida wax aan jirka ka tirsanayn sida jeermiska oo kale, sidaas ayayna ilmaha ku soo dhacaan, halkaan ka akhriso cillad ka mid ah cilladahaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5905.0.html
Cillad ugxansidaha:

* Haddii ugxamaha hooyadu ay yaryihiin waxay badiyaan halista dilanka, kullamaa da'du hooyadu ay kororto kullamaa halistu dhicisku ay badato.
Waa maxay howlgabka ugxansidaha? Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5566.0.html
Cillad uu isku keeno qofka:

* Haddii hooyadu ay isticmaasho wax halis ku noqon karo uurka sida sigaarka, khamrada iyo daawooyin aan laga fiirsan ama hooyadu aysan ogayn in ay dhib keeni karaan, haddii la isticmaalo waxay keeni karaa dilan joogto ah.
Caabuq hooyada ku dhaco:

* Waxaa jiro dhowr xanuun in hooyadu laga baaro ay muhiim tahay kuwaasoo keeni karo dilan soo laalaabto, xanuunadaas waxay kala yihiin: cudurka buruseelka, cudurka jadeeco jarmalka, cudurka toxoplasmosis, cudurka isfiilitada, malaariyada ku dhacdo ibida iyo dhowr cudur oo kale oo ay keenaan jeermiska feyraska, waa muhiim in hooyo kasta oo ka cabato dilan soo laalaabto in laga baaro xanuunadaas.
Waa maxay buruseel? Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2233.0.html
Waa maxay isfiilito? Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html
Waa maxay jadeeco jarmal? Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3243.0.html Akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Caabuqyada Hooyada Ku Dhaco oo Naafeeyaa Uurjiifka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7708.0.html

Daaweyntu waxay ku xiran tahay in la ogaado marka hore cillada waxa ay tahay, sida aad aragtayne waa waxyaabo badan oo u baahan in dhakhtarku uu kala sooco si loo ogaado, waxaana ka xumahay in baaritaanada lagu ogaanayo cilladaha qaar in aan laga helin soomaaliya.

Waxaa intaa sii dheer waxaad ogaataa in alle uu caruurta bixiyo, waxaa dhici karto in wax kasta lagaa baaro oo hadane ay dhakhaatiirta sheegi karin waxa keenay dilankaan soo laalaabto, waxaa dhici karto in ilaahay uusan qorin in aad wax isku dhashaan adiga iyo xaaskaaga.

Waa maxay dilan? Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html
Waa muhiim in aad akhrisato dhamaan qoraallada aan kuugu tilmaamay jawaabtaan maadaama xanuun kasto uu leeyahay astaamo u gaar ah oo uu kaga duwan yahay xanuunada kale, haddii aad akhrisato waxaa laga yaabaa in aad dhowr cudur aad isku aragto astaamahooda.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version