Author Topic: What is the difference between Medicine and Clinical Medicine?  (Read 23264 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Maxamedjeyte

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
What is the difference between Medicine and Clinical Medicine?
« on: September 14, 2015, 08:24:27 PM »
asalaamu calaykum
dr waxan ahay arday jecel inuu barto caafimaadka.
wxaasa iga jaha wareersan kuliyadahan mxay kalayihiin :medicine iyo clenical medicine ?
2hdan barto clenical medicene  takhasus gaar ah master maka diyaarin kraan?
mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: What is the difference between Medicine and Clinical Medicine?
« Reply #1 on: September 16, 2015, 02:05:23 PM »
Medicine waa program-ka M.B.B.S ama M.B.Ch.B oo 5 ilaa 6 sano ah, qofkii ka soo qalin jabiyo wuxuu noqonayaa Medical Doctor.
Clnical Medicine waa program kan ka yar oo 2 illaa 4 sano u dhaxeeyo waxaa loogu talagalay in si dhakhso ah lagu soo saaro dad dhakhaatiirta ka agdhaw oo dabooli kara baahida caafimaad ee bulshadu qabto, markii ugu horeysay waxaa laga fuliyay dalka Kenya 1999, kadib wadabo badan oo Africa ayaa ku daysaday maadaama la arkay waxtarkodoa, awoodne u leeyihiin in ay daawo qoraan oo dad qaabilaan, gobolalda iyo meelaha fogfogne ka soo shaqayn karaan.

Kadib program-kii wuxuu noqday international, wadanka maraykanka iyo english-ka waxaa looga yaqaanaa "pysician assistant" oo waxay ka hoos shaqeeyaan "physicians-ka"

Qofka clinical officer-ka ah, dhakhtar ahaan wuu u shaqayn karaa inkastoo takhasuska uu samaynayo ay xadidan tahay oo uusan samayn karin takhasusaatka ay dhakhaatiirtu samayn karaan, waxay ka shaqeeyaan isbitaalada dowlada badanaa, waxay u shaqeeyaan hay'adaha caafimaadka, waxay kala wadaan mashaariicda wasaaradaha iyo howlo kale ayay qaban karaan.

Waxaan filayaa in aan kaaga jawaabay su'aashaada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: