Author Topic: Dhiigkarka - Su'aalo iyo Jawaabo muhiim ah.  (Read 121207 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhiigkarka - Su'aalo iyo Jawaabo muhiim ah.
« on: September 15, 2015, 01:18:05 PM »


Qoraalkaan wuxuu ku jawaabi doonaa dhowr su'aal oo ku saabsan bilaabista daawooyinka dhiig-karka, maadaama aan arkay in isfahan la'aani ka jirto arintaan u dhaxaysa bukaanka iyo dhakhtarka, maxaayeelay bukaanka wuxuu jecelyahay intii uu daawada ka maarmi karo inuusan qaadanin, dhakhtarkane waxuu isbarbar dhigayaa dhibka ka dhalan karo daawada haddii la dibdhigo iyo xaalada bukaanka, si arintaas ay u kala cadaato waa muhiim qoraalkaan.

Inkastoo horay uga soo hadalnay cudurka dhiigkarka, laakiin waxaa jira dhowr su'aalood oo muhiim ah inuu qof kasta uu fahmo.

Cabirka dhiigkarka:
Dad badan baa aaminsan in cadaadiska dhiiga qof kasta in laga rabo 120 kor ah iyo 80 hoos ah, hadii wax ka badalan la sheego in ay cilald jirto.!
taasi ma ahan mid sax, tirada 120/80 waa tiro celcelis ah oo laga rabo in cadaadiska dhiiga uu meelahaas ka agdhaw yahay, haduu cadaadiska dhiigaagu uu yahay 125/75 dhib ma lahan, haduu yahay 130/85 dhib ma lahan, waxaa la rabaa uun inuusan cabirka kore dhaafin 139 haddii aad tahay qof dhalinyaro ah, kan hoosane uusan dhaafin 89, laakiin waa in cabirka qiyaastaa ka sarayso waa in la fiiriyaa waxyaabo badan inta aan daawada la bilaabin oo aan hoos ku xusi doono.
waa in cadaadiska dhiiga laga cabiraa labada gacmood inta aan daawada la bilaabin waa in cabirka dhiiga qofka oo fadhiyo ama taagan la isbarbardhigo.

Ma kici karaa cadaadiska dhiiga isagoo aanan ahayn dhiigkar?
Cadaadiska dhiiga waxyaabo badan ayaa kicin kara si ku meel gaar ah, waxaa ka mid ah jimicsiga, socodka, xanuunka, naxtinta, xanaaqa, qandhada iyo waxyaabo kalaba, sidaas awgeed waa muhiim in cadaadiska dhiiga lagu celiyaa markuu qofka nasto oo aanan lagu dagdagin in daawo loo qoro, ka soo qaad qof u soo lugeeyay isbitaalka waxay keeni akrtaa in cadaadiska dhiiga uu kaco, laakiin hadduu qofka nasto 15 daqiiqo ama nus saac way ku filan tahay in dhiiga uu soo dago, haddii cilladu aysan ahayn dhiig kar.

Meeqo nooc oo dhiig kar ayaa jira?
Cadaadiska waxaa loo qayibyaa laba nuuc oo waaweryn.
1- mid iska yimaado oo aan la garanayn badanaa sababta keentay oo dhaxal noqon karo waxaana loo yaqaanaa "primary hypertension".
2- mid uu keeno xanuun kale sida haddii cillad kilyaha ka jiraan, qanjirka thyroidka, wadnaha ama cillad xaga hormoonada ah, waxuu dhiigkarkaan u badan yahay dadka da'da yar, haddii qof da' yar lagu arko dhiig kar waa in la mariyaa baaritaano badan oo lagu ogaanayo waxa keenay, haddii la helo waa in la daaweeyaa cilladaas si cadaadiska u dago, laakiin haddii la waayo dhiigkar ahaan ayaa loo daaweeyaa.
3- Waxaa jira cadaadis dhiiga ee ku dhaco haweenada qaar uurka leh, inkastoo uu yahay cadaadis halis ah oo ilmaha soo tuuri karo ama hooyada caafimaadkeeda halis galin karo laakiin markii ay dhasho ama cunuga laga soo saaro, cadaadiska dhiiga caadigiisa ayuu ku laabtaa.
way dhici kartaa in hooyooyinka noocaas ahi uu cadaadis joogto ah isku badalo muddo ka dib, halkaan ka akhriso dhiigkarka uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1462.0.html

Dhiigkarka ma leeyahay heerar kala duwan?
Haa, dhiigkarka waxaa loo kala qeybiyaa sida soo socoto:
Heerka 1-aad "Stage 1": Waa markuu dhiigkarka kan kore ka sare maro 139, kan hoosane ka sare maro 89.
Heerka 2-aad "Stage 2": Waa markuu dhiigkarka kan kore u dhaxeeyo 150 ilaa 160, kan hoosane u dhaxeeyo 95 ilaa 100.
Heerka daran ama qatarta ah "Severe hypertension": waa markuu dhiiga kan kore uu noqdo 180, kan hoosane uu noqdo 110.

Da'da saameyn ma ku leedahay cadaadiska dhiiga inta laga rabo?
Haa, waxaana loo qaybiyaa sidatan:
18 sano qofkii ka yar: wixii 18 sano ka hooseeyo waa qasab in baaritaano kala duwan la marsiiyo oo la ogaado waxa dhiig-karka keenay inta aan daawo loo bilaabin, kadib ayaa la sheegi karaa go'aanka wuxuu noqonayo.
18 illaa 60 sano qofkii u dhaxeeyo: haduu cadaadiska dhiiga midka kore uu gaaro ama ka saro maro 140, kan hoosane uu gaaro ama ka saro maro 90.
60 sano iyo qofkii ka wayn: hadduu cadaadiska dhiiga midka kore uu gaaro ama ka saro maro 150, haddii kan hoosane uu gaaro ama ka saro maro 90, waa muhiim in labada cadaadis markastaa la isku fiiriyo, hal akhris kaligeed badanaa go'aan lagu kalsoon yahay laguma gaari karo.

Goormaa daawo la ii bilaabi karaa ama aan ku qasbanahay in aan daawo qaato?
In daawo laguu bilaabo waxay ku xiran tahay in la hubiyay in cadaadiskaaga dhiiga uu dagi la'yahay uuna ka badan yahay inta loogu talagalay da'daada adigoo wax daawo ah qaadanin iyo in baaritaan lagugu sameeyay hadii dhakhtarku ka shakisan yahay in xanuuno kale kkuu keeneen dhiigkarka, intaa ka dib waa laguu bilaabayaa daawada dhiigkarka.

Ma jirtaa siyaabo kale oo aan dhiigkarkayga ku kontarooli karo oo aan ahayn daawo?
waxaa jira koox loo yaqaano dadka dhiigkarka halis ugu jira oo afka qalaad lagu dhaho "borderline hypertension" kooxdaasi waxay qarka u saaran yihiin heerkii lagu bilaabi lahaa daawada, mana lahan astaamo kale oo sa dadajin kara in daawo lagu bilaabo, kooxdaan waxay ka fogaan karaan cusbada, waxay samayn karaan jimicsi, waxay badsan karaan cunnooyinka la sheego in cadaadiska dhiiga ay kontoroolaan, waana in si joogto ah ula socdaan cabirka cadaadiska dhiigooda, hadduu dhiigkar soo baxo waa muhiim in daawo loo bilaabo.
Laakiin haddii aadan kooxdaas ku jirin waa in daawo laguu bilaabo xal kale ma jiro.

Daawadee ugu fiican dhiigkarka ee loo qaataa?
Ma jirto daawo la dhihi karo iyadaa ugu fiican, waxaa jiro dhowr daawo oo kala duwan maalin kastane kuwa cusub ayaa la soo saaraa, waxtarka daawooyinkaas waxay ku xiran tahay baahidaada inta ay la egtahay iyo cadaadiskaaga nooca uu yahay iyo haddii xanuuno kale kuula jiraan.
Tusaale ahaan dadka qabo dhiigkarka iyo wadna xanuunka: waxaa la sii daawo dhiigkar gooni ah.
Dadka qabo dhiigkarka iyo kilyo xanuunka waxaa la siiyaa daawo u gaar ah.
Dadka qabo dhiigkarka iyo kolestarool ama xanuuno kale waxaa loo fiiriyaa daawada ugu haboon.
Dhakhtarku wuu kaa badali karaa daawada isagoo fiirinaya dhowr shay oo noqon kara in daawada waxtarkeedu uu yaraaday, in daawada ay waxyeello kuu keentay iyo in daawa kugu haboon oo mida aad qaadanaysid ka fiican inay jirto.
Waxaa dhici karto in dhowr daawo laguu siiyo dhiigkarka si loo kontaroolo.

Haddii aan daawo qaadanin maxaa dhici karo?
Dhiigkarku waa xanuun saameyn kara jirka qeybihiisa kala duwan, wuxuu keeni karaa inuu maskaxda dhiig ku furo oo qofka ka dhigo naafo, wuxuu howlgab ku ridi karaa wadnaha iyo kilyaha, wuxuu tiri karaa aragga qofka.
Haddii dhiigkar lagugu arko waa muhiim in aad daawada joogo u qaadato sida dhakhtarka uu kuugu sheegay.
Waxaa kaloo muhiim ah in aad leedahay cabirka dhiigkarka oo aad joogto iskaga cabirto.

Wixii su'aalo intaa ka baxsan iigu soo dir halkaan, waan idinkaga jawaabi doonaa insha'llah.

Sonkorowga Su'aalo iyo Jawaabo, Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Dhiigkarka - Su'aalo iyo Jawaabo muhiim ah.
« Reply #1 on: September 20, 2015, 07:51:05 AM »
Dhiigkarka mala iska qaadi karaa

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Dhiigkarka - Su'aalo iyo Jawaabo muhiim ah.
« Reply #2 on: September 22, 2015, 12:59:23 PM »
Maya, dhiigkarka kama mid ahan xanuunada la kala qaado.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdiyare22

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Dhiigkarka - Su'aalo iyo Jawaabo muhiim ah.
« Reply #3 on: September 20, 2019, 08:50:05 PM »
asc bahda cafimadka sida ad u dhantihin  bacda salan waxan raba ina idin weydiyo
qof qaba dhiigkar ma dhici kartaa dhigisa inu imado 115 kan kore ah kan hose 70 asoo wax dawo ah qadan
mida kale meqa malina cabirka kagu xaqijiya qof qabo


 

Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51458
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Nabro malax leh? Qawadka? Miisaan Yari?

Started by Abdul ShakurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8997
Last post May 02, 2015, 01:45:20 PM
by SomaliDoc
Su'aalo ku saabsan siigeysiga iyo finanka wajiga?

Started by SeidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48737
Last post February 24, 2011, 10:54:29 AM
by SomaliDoc
Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 16274
Last post January 02, 2013, 08:04:56 PM
by SomaliDoc
Su'aalo la xidhiidha caado wareerka

Started by Bintu AbdirahmanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10137
Last post August 15, 2015, 12:37:12 PM
by SomaliDoc