Author Topic: Wacyi la'aanta xuduud ma leh - Sheeko la yaab leh  (Read 17747 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Wacyi la'aanta xuduud ma leh - Sheeko la yaab leh
« on: October 05, 2015, 09:16:48 PM »


Waa sheekooyinkii iigu yaabka badnaa oo i soo maray..

Badanaa waxaa la aamisan yahay in wacyi la'aanta iyo aqoon darridu ay xiriir la leedahay saboolnimada iyo helis la'aanta daryeel caafimaad ka jirta meelaha ay ku nool yihiin dadka ku waxyeellooba gacanta dad aan aqoon iyo khibrad caafimaad toona lahayn.

Waxaa dhacday gabar soomaaliyeed oo ku nool dhowr sano wadan ka mid ah wadamada yurub in ay xanuunsatay, markii ay dhakhtar lala xiriiriyay waxaa lagu sheegay xanuunka baabasiirka oo ku fogaaday oo gaaray heerka sadaxaad oo ah heer qalliin.

Gabadhii waxaa lagula taliyay in qalliinka lagama maarmaan uu u yahay uuna yahay qalliin sahlan oo dhibaato keeni karin, gabadhii waxay dalbatay in ay ka soo fakarto.
Talooyin ka dib, gabadhii waxay eheladeeda qaar ka mid ah oo ku nool gobol soomaalidu dagto mid ka mid ah kula taliyeen in ay soo safarto oo dhakhaatiirtaas warkooda iska dayso, iyagoo u sheegay in baabasiir waligiisba aan daawayn jirnay oo iyadoo la qalaayo lama maqlin ee gaalada ka soo carar yeysan dhibaato kuu geysaninee!!.

Gabadhii ticket ayay soo jaratay, diyaarad ayay soo raacday, dhulkii hooyo weliba tuuladii ay ku noolaan jirtay iyadoo yar ayay timid, waxaa loo ballamiyay islaan ama habar waayeel ah oo la yiri waxay khabiir ku tahay daawaynta baabasiirka!..

Islaantii waxay la timid geedo oo uu ka mid yahay geedka cadayga, kadib ayay inta dabada ka galisay ku walaaqday!!, taasi waxay keentay in dhaawacyo samayso, baabasiirtii dillaacdo, meeshiina infekshan qaaday oo gabadhiiba saxaroon wayday oo meeshii dhan wada boog noqotay..

Gabadhii iyadoo xaalad halis ah ku jirto oo aanan saxaroon muddo dhowr maalmood ayaa si emergency ah loo keenay isbitaal si wax looga qabto, tanoo ku dambayn doonto in la marsiiyo dhowr qalliin oo lagu saxaayo dhibaatada gaartay malawadka si uu qofka dib si caadi ah ugu saxaroon karo!.

Inkastoo ay isoo mareen dhowr sheeko oo la yaab leh oo ka tarjumayso wacyi la'aanta bulshada haysato, laakiin weli ma arag qof awood u leh inuu helo daryeel heer sare ah in uu ku gacan sayro oo uu ku badasho daryeel la'aan iyo dhibaato hor leh oo naftiisa halis galin karto.

Waxaa laga yaabaa in aad is dhahdaan, qofkaan waa qof la siray oo laga caqli badiyay oo dhibka waxaa ka taliyay ehelkeeda, laakiin taasi cuur daar ma ahan, maxaa yeelay qofkii caqli leh oo maanta dunidaan ku nool wuu fahmi karaa dhibaatada aqoon darrida iyo wacyi la'aanta ka jirto dhulalkeena qaar oo haddii alle adiga ku siiyay fursad taa ka fiican, waxuu waajibku ahaan lahaa in aad ehelkaaga aad adiga ka wacyi galisaa arrimaha noocaas oo kale iskaba daayee in iyagu ay ku siraan.

Gabadhaasi waxay tiri: qarashka aan soo galay si aan isku dhibaateeyo, haddaan ogaan lahaa saan ma dhacdeen...!!

Waxaan ka codsan lahaa dadka akhrisanaya sheekadaan ama sheekooyinka kalaba oo aan kaga hadalno wacyi la'aanta bulshadeena ka dhex jirto in ay iska xilsaaraan sidii eheladooda iyo qoysaskooda uga wacyi galin lahaayeen qaladaadka iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada dadkaan dhakhtarnimada beenta ah ku qaraabto.

Ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan Baabasiirka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan:http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

Ilaahayow umadda ka qabo kuwa lug goynayo..
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal Qureec/Quraac la'aanta subaxdii caafimaad daro miyay keentaa ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 78551
Last post March 10, 2012, 02:28:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faaliga qaybta keenta indho la'aanta deg degga ah?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7313
Last post June 16, 2011, 09:12:15 PM
by SomaliDoc
Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta

Started by IfrahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 50684
Last post November 06, 2018, 03:15:25 PM
by Maria111
Su'aal: Maxaa keena ugxan la'aanta dumarka?

Started by Fatxiya1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9666
Last post May 02, 2015, 12:28:50 PM
by SomaliDoc
Dabciga Maskax Furfurnaanta Iyo Iskadeedis La'aanta.!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 19913
Last post April 29, 2017, 08:54:14 PM
by SomaliDoc