Author Topic: Su'aal: walwal ah armaa HIV/AIDS ka qaadey ah baa I gashey?  (Read 4292 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Janaale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: walwal ah armaa HIV/AIDS ka qaadey ah baa I gashey?
« on: October 27, 2015, 09:10:31 PM »
 Salan kadib, doctor aad ayan ku salamaya,  sidooo kale waan ka mahadcelinaynaa shaqada muhim ka ah oo aad u haysaan bulshada,  ilaahey ha idin ka abaal mariyo.

Intaas ka dib suashaydu waa sidatan:

Doctor :  qof hadaa la samaysid galmo adigooo isticmalay Condom, galmadaasna ay ahayd hal mar oo kaliya, kadib walwal ah armaa HIV/AIDS ka qaadey ah baa I gashey,  hadana wxa laga joogaa mudo bil ah, wax calamadaa Iyo wx xanun ahna is kuma arag.

Marka doctor, ma la ogaan karaa test ahaan hadaan dhakhtar u tago. Mise wa in bilowdey badan la dhoraa,  mxaa igula talinl lahayd.  mahadsnd in badan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: walwal ah armaa HIV/AIDS ka qaadey ah baa I gashey?
« Reply #1 on: November 04, 2015, 11:45:43 AM »
Waxaa la sheegaa in condom-ka uu celin karo HIV-ga boqolkibia 98%.
Waxaa kaloo la sheegaa in boqolkiiba 12% uu condom=ka dillaaci karo ama siiban karo.

Marka way dhici kartaa in xanuunka aad qaado adigoo isitcmaalay cinjirka galmada looga hortago.

Haddii aad ka cabsi qabtid in xanuunka ku gaaray waxaad is baaraysaa 3 bil ka dib, kadibne 6 bil ka dib, haddii jawaabtu negative noqoto labadaas baaris ka dib waxay u badan tahay in aadan cudurka qaadin.

Laakiin xanuunka inuu qofka ka soo muuqdo wuxuu qaataa dhowr bilood illaa 10 sano.

Akhriso qoraal ku saabsan HIV/AIDS: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,446.0.html

Badbaadadu waxay ku jirtaa dhowrsanaanta.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: